Gudiga amaanka Gobalka Bari oo ka shiray falal ka dhan ah amaanka oo ka dhacay Bosaaso

Bosaaso(Puntland Post)-Gudiga amaanka Gobalka Bari ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari, Gudigan oo ka kooban Maamulka Gobalka, Kan degmada iyo qaybaha Ciidamada, waxaana kulan kood kala qayb galay masuuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen Wasiirada Maaliyada iyo Ganacsiga.

Duqa Magaalada Bosaaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud oo la hadlay saxaafada ayaa amaanka Magaalada Bosaaso ku tilmaamay mid aad u sareeya ayna ku raad jiraan kuwii ka danbeeyey werarkii lagu qaaday Bar kantarool oo ay ciidamada Boolisku ku leeyihiin Isgoyska Afar irdood.

Gudoomiye Ku-xigeenka Gobalka Bari Axmed Cabdilaahi Ciro ayaa sheegay inay gudi baara u saareen weerarkii lagu diley mid kamid ah Ciidanka Booliska Dawlada Puntland laguna dhaawacay askari kale iyo qof rayid ah, sidoo kale Gudoomiye Ciro ayaa ka hadlay shaqaaqo dhalinyaro ciyaaro uga socdeen Garoonka weyn ee Bosaaso halkaasi ku dhex martay taas oo sababtay in lagu jajabiyo gawaarida ay dadweynuhu leeyihiin, wuxuuna sheegay inay gabi ahaanba joojiyeen ciyaartii ka socotay garoonka kubada cagta Bosaaso.

Magaalada Bosaaso waxaa xalay ka dhacay weerar gaadmo oo koox aan haybteed la garanayn ku dileen askari katirsan ciidamada Dawlada Puntland, waxaana werarkaas sheegtay kooxda Al-shabaab sida lagu baahiyey Idaacada Al-furqaan oo ku hadasha Afka kooxdaas, dhinaca kale dhalinyaro kooxo u abaabulan ayey magaalada shaqaaqo ku dhex martay kuwaas oo jajabiyey qaar kamid ah gadiidka dadweynaha.

Amaanka Magaalada Bosaaso ayaa siweyn loo adkaayey iyadoo hameenkii wadooyinka lagu arkaayo ciidan tiro badan oo baaritaano kala duwan samaynaaya.

Puntland Post