Godobjiraan(Puntland Post)-Ciidamada Qalabka sida ee Dawlada ayaa galabta werar culus ku qaaday Maleeshiyaad hubaysan oo kusugan meel 40km u jirta Degmada Godobjiraan ee Gobalka Nugaal
Dagaalkan ka socnaaya degaanka hoostaga Godobjiraan ayaa ah mid aad u kharaar oo ay Ciidamada kala duwan ee Dawlada Puntland ay adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha waaweyn, waxaana loo xaqiijiyey Puntland Post in dhulka dagaalku ka socdo yahay dhul banaan oo si fudud loogu kala bixi karo.
Dhanka degaanka Suuj ma jiro dagaal iminka ka socda halkaasi waxaase naloo xaqiijiyey inay Ciidamada Dawlada Puntland ku hareeraysan yihiin maleeshiyaadka halkaas ku sugan oo isku urursaday god ku yaal toga lagu magacaabo Dayma xume oo u dhaw degaanka Suuj oo ay badanaa saldhig ka dhigtaan dadka kaluumaysatada isla markaana ah degaan xooleed ay ku badan yihiin reer guuraagu.
Ciidamada Dawlada Puntland ayaa tan iyo maanta qoryaha culus ku garaacaayey maleeshiyaadka Degaanka Suuj oo iminka u muuqda kuwo awoodoodu sii diciifayso.
Waxaa adag in xaqiiqda khasaaraha dagaalada ka socda aaga Godobjiraan la helo maadama ay isgaarsiinta dhulka lagu dagaalamayo xadidan tahay, lamase soo sheegin cid ilaa hada Puntland kaga geeriyootay dagaalada tan iyo shalay ay kula jirto Al-shabaab walow aan la ogaan karin khasaaraha soo gaaray dhanka Al-shabaab oo la rumaysan yahay inuu soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Lasoco Puntland Post