Barcelona iyo Bayern Munich oo wareega 8da Champions League-ga iska xaadiriyay

Barcelona ayaa ugudubtay  wareega 8 da Champions League ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen Arsenal lugtii labaad ee wareega 16ka Champions League, iyadoo MSN ay shabaqa soo wada taabteen, taasoo la micno ah inay wadar ahaan ku soo baxeen guul 5-1 ah, laakiin kooxda Arsenal ayaa xalay ciyaar iska caabin fiican ah ku soo bandhigtay Camp Nou balse waxa ay mar kale ku hareen wareega 16ka Champions League. Waa markii 9aad oo isku xigta oo ay Barcelona u soo baxdo wareega 8da, halka Arsenal ay markii lixaad oo isku xigta ku harto wareega 16ka.

Ciyaarta labada kooxood ayaa aheyd mid si feejignaan leh ku bilaabatay Arsenal ayaana laga arki karay inay doonayeen gool hore oo ay ciyaarta ku furtaan, halka Barcelona ay mararka qaar kubado weerar ah oo aan natiijo laheyn ay ku tageysay xerada goolka Gunners.

Neymar-6

Daqiiqadii 12 aad ayaa Barcelona hogaanka u qabatay ciyaarta markii Luis Suarez uu kubad baas qurxoon u dhigay Neymar kaasoo hubsaday inuu markaan kubada dabamariyo goolhaye David Ospina, waxaana ay ciyaarta ka dhigtay in Barcelona ay wareega ku hogaamineyso 3-0.

Arsenal ayaana ciyaarta barbareysay daqiiqadii 50aad markii Alexis Sanchez uu kubad baas macaan u dhigay Mohamed Elneny kaasoo kubad qurxoon shabaqa meel kore ka geliyay goolhaye Marc-Andre ter Stegen taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah iyo Barca oo wareega ku hogaamineysa 3-1. Waa goolkii ugu horeysay ee Mohamed Elneny uu u dhaliyo kooxda Arsenal, waana goolkiisii ugu horeysay ee Champions League.

Barcelona ayaana soo ceshatay hogaankeeda ciyaarta daqiiqadii 64aad markii karoos uu soo dhigay Dani Alves uu qaab qurxoon u dhameystiray Luis Suarez,

Suarez-6

Lionel Messi ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 90aad markii uu kubad si wacan uga dulqaaday goolhaye David Ospina isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ee Barcelona ee ciyaarta.

Messi-3

Bayern Munich

Kooxda Bayern Munich ayaa nasiibku saaciday dib markii ay labo gool oo ay dhaliyeen 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay ay ku barbareeyeen Juventus taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-2, waxaana ay labo gool oo degdeg ah dhaliyeen qeybtii labaad ee 30kii daqiiqo oo lagu daray taasoo ay uga badiyeen kooxda Talyaaniga oo ku hartay si niyadjab leh ka dib dadaalkii ay Allainz Arena ku soo bandhigeen.

JUVAWISK

 

PUNTLAND POST