Wararka ka imaanaya degaanka Suuj oo ay maanta ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada kala duwan ee Dawlada Puntland iyo koox hubaysan oo labba maalmood kahor soo gaaray qaar kamid ah degaan xeebeedka Puntland Gaar’ahaan degaanada Garacad iyo Garmaal ayaa tibaaxaya inuu qaboobay dagaaladii cuslaa ee illaa saakay ka socdey degaanadaasi.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayey Dawlada Puntland ka sheegatay guulo waaweyn walow ay adag tahay in goobaha dagaaladu ka dhaceen laga helo warar ka madax banaan dhinicyada dagaalamay, waxayse wararkii ugu danbeeyey tilmaamayaan in kooxdii hubaysnayd ee lagu tuhunsan yahay Al-shabaab ay galeen qar weyn oo lagu magacaabo Dayma xume, waxaana goobta ay isku urursadeen isku gadaamay Ciidamada Puntland oo dhinic walba iminka ka fadhiya.
Goobta ay kooxdani iminka ku jirto waxaa adag inay galaan gawaarida dagaalka, waxaase sidoo kale adag inay kooxdani mudo dheer kusii jirto maadama aysan lahayn biyo iyo baad kale toona, lagana yaabo inay ciidamo dhulka ah ay halkaasi uga daba tagaan.
Dhinaca degaanada Garacad iyo Godobjiraan oo aysan maanta wax dagaalo ah ka dhicin ayaa iyadana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq Ciidan oo xoog leh, iyadoo la filan karo dagaalo xili walba goobahaas ka qarxa, kooxaha hubaysan ee ku sugan halkaasi ayaa hadba dhinac u guuraya iyagoo biyo ka caabaya ceelasha iyo baraagaha ay xooluhu ka cabaan.
Dhinica kale Warbaahinta ku hadasha Afka kooxda Al-shabaab ayaa baahinaaya warbixino ay ku dhiiri gelinayaan kooxda degaanadaas ka dagaalamaysa, walow uusan jirin war si rasmi ah uga soo baxay kooxdaas oo lagu sheeganaayo dagaalada maanta halkaa ka dhacay iyo inay gacan saar la leeyihiin maleeshiyaadkaas hubaysan, waana mida sii badinaysa tuhunka sheegaya inay kooxdani katirsan tahay ururka Dacish oo xubnaha sare ee Al-shabaab diidan yihiin inay si rasmi ah uga mid noqdaan, waxayse waayadii u danbeeyey dagaalamayeen koox ka farcantay Al-shabaab kuna biirtay Daacish iyadoo ay inta badan Al-shabaab cagta marisay kooxdii sheegatay Dacish ee ku sugnayd Koonfurta Soomaaliya, si lamid ah kooxdaas waayadii danbe waxaa ka dhex aloosnaa khilaaf balaaran oo sababay inay qaarkood isku dhiibaan Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.
Puntland Post