Madaxweynihii hore ee Puntland oo bilaabay inuu Ciidamada iyo xukuumada ku dhiiri geliyo difaaca Dalka

Garowe(Puntland Post)-Madaxweynihii hore ee Dawlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole) ayaa tan iyo markii maleeshiyaadka hubaysan lagu sheegay degaanka Garacad ee Gobalka Mudug bilaabay shirar kala duwan oo u la qaadanaayo laamaha kala duwan ee Ciidamada qalabka  sida, wuxuuna si lamid ah ka qayb galay shirkii Deg dega ahaa ee ay Golaha Xukuumadu ka yeelatay xaalada kasoo cusboonatay Dalka, kaas oo uu shir gudoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdilaahi Cumar Camey.

Cabdiraxmaan Faroole
Cabdiraxmaan Faroole

Si lamid ah Cabdiraxmaan Faroole ayaa kulamo gooni gooni la qaadanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada si uu ugu dhiiri geliyo inay xukuumada iyo Ciidamadooda ku garab istaagaan xaalada coladeed ee kasoo cusboonatay dhul xeebeedka Gobalada Mudug iyo Nugaal.

Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa hogaamiyey dagaalkii lagu qaaday kooxda Alshabaab sanadkii 2010 markii ay isku dayday inay la wareegto Magaalada Bosaaso oo ah wadnaha dhaqaale ee Puntland iyo tuulooyinka ku teedsan, waxaana la rajaynayaa inuu xaaladana wax badan khibaradiisa kaga kordhin doono xukuumada talada haysa iyo laamaha kala duwan ee amaanka.

Ciidamada Puntland ayaa ku jira hawlgalo balaaran oo ay kooxdan kaga sifaynayaan degaanada ay isku fidiyeen labadii maalmood ee u danbeeyey, iyadoo wararkii u danbeeyeyna shegayaan inay ciidamadu si aada ugu gacan sareeyaan dagaalka.

Puntland Post