Garowe(Puntland Post)-Ciidamada Qalabka sida ee Dawlada Puntland ayaa sii wada hawl-galada ay degaanada xeebaha kaga si faynayaan kooxda Goosanka Al-shabaaab, waxaana weli dagaalo xoogan ka socdaan degaano hoostaga Degaamada Garmaal iyo Suuj iyadoo wararka soo baxaaya sheegayaan inay Ciidamadu dileen tiro kamid ah maleeshiyaadka hubaysa, qaarna maxaabiis ahaan u qabteen walow aan si rasmi ah loo xaqiijin Isgaarsiinta oo aad u liidata awgeed.
Xarunta Wasaarada Warfaafinta Dawlada Puntland ayaa goor dhawayd saxaafada looga yeeray waxaana la rajaynayaa inuu halkaas warbaahinta kula hadlo Wasiir Maxamuud Soocade isla markaana uu faahfaahin ka bixiyo hawlgalada socoda.
Madaxweyne Gaas ayaa saacadaha soosocda Dalka kusoo aadan, lama oga intay ay Ciidamada ku qaadan doonto soo afjarista Maleeshiyadkan hubaysan.
Puntland Post