M/weyne Gaas oo Jaaliyadda Puntland ee MN kala hadlay ka qayb galka gurmadka abaaraha

12596750_10208061683513823_161854237_oMN(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa Jaaliyadda Puntland ee waddanka Maraykanka gaar ahaan magalada MINNEPOLIS ka codsaday inay dowr muuqda ka qaataan wax ka qabashada xaalada dalka sida garab istaaga qoysaska abaartu saamaysay ee ku nool gobalada Puntland qaarkood.

Hadalkan ayuu Gaas ka sheegay munaasibad casho sharaf ah oo ay Jaaliyaddu soo qaban qaabisay kaasoo loogu talo galay madaxwayne Gaas iyo marwadiisa Hodan Siciid, Gaas ayaa marka hore Jaaliyadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay isigu xiran yihiin, wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la muujiyo awooda shacabka Puntland ee maraykanka ku nool u lee yihiin inay ka qayb gallaan horumarka waddanka.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee Minnepolis ayuu ka codsaday inay carruurtooda ku celiyaan Soomaaliya si ay wax badan u ogaadaan ugana qayb gallaan dadaalada socda.

Marka laga tago kulankan cashada ah madaxwaynaha ayaa sidoo kale ganacsatadda Soomaaliyeed ee MN la yeeshan kullan, wuxuuna ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha iyo dib u dhiska waddanka.

Halkan ka daawo. khudbadii madaxwayne Gaas ee Minnepolis