ku dhawaad 4 ruux oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Mudug

Gaalkacyo(Puntland Post)- ku dhawaad afar ruux ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Mudug, oo u dhaxeeyo beelo kasoo kala jeeda Puntland iyo Gal-mudud, waxaana dagaal koodu ka dhashay kadib markii ay isku qabsadeen xoolo lakala dhacay.

balanbal-618x463
Sawir hore, oo dagaal beeleed

Qaar kamid ah dad deegaanka ayaa sheegay in ku dhawaad afar ruux ku dhinteen dagaalka oo dadka dagaalamay ah, iyagoo tilmaamay inay jiraan dhaawacyo loo qaaday Gaalkacyo.

Beelaha dagaalamaya oo ah xoolo dhaqato ayaa maalmahan ay xiisadoodu taagnayd, waxayna Odayaal kasoo jeeda gobolka Mudug sheegeen inay wadaan da daalo lagu joojinayo dagaalka.

Maamulada Puntland iyo Gal-mudug ayaan wali ka hadlin colaada labada beelood, xoolo dhaqatada kasoo jeeda labada dhinac ayaa inta badan uu dhex maraa dagaal khasaare gaysta.

PUNTLAND POST