Faah faahin ku saabsan gacan ku haynta kooxda Al-Shabab ee Garacad

Jariiban(Puntland Post) Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka Garacad oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay inay ku qiyaasi karaan tirada ciidamada Al-Shabab ee deeganaka soo gaaray kun askari, sidoo kale ayna siteen lix doonyood oo labo ka mid ah ay yihiin kuwa Yaman.

Odayaasha warbaahinta la hadlay oo banaanka deegaanka Garacad jooga ayaa tilmaamay inay tahay xaalada deegaanka mid gacanta u gashay Al-Shabab,waxa kale ay sheegeen inay dadka walwel xoogan ka qabaan ficilada ay samayn karaan.

Shacabka ayay ku war galiyeen inay magalada ku sugnaan doonaan mudo lix cisho ah, balse ma aysan cadayn ilaa iyo hada ujeedka ay ula wareegan Garacan,waxaa Degmada Jariiban ka socda dhaq-dhaqaaq ciidan, taasoo dowladdu ku damacsan tahay in Al-Shabab looga saaro Garacad.

Ma jirto war kasoo baxay xagga dowladda oo ku aadan xaalada Garacad,balse wararka madaxa banaan ee uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya inay madaxtooyada Garowe ka socdaan kulamo arrinta Garacad looga arrin sanayo.

Wararka kale oo ilaa iyo hadda deeggaanka laga helayo ayaa sheegaya in ciidamo kale oo Al-Shabab ka tirsan kusoo wajahan yihiin deegaanka.


PUNTLAND POST