RW Soomaaliya oo ku wajahan Baladweyne

Muqdisho-(Puntland Post)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa inuu kormeer howled ku tego magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka socoto magaalada Beladweyne, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ay ku suganyihiin mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ay la xiriirta sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Waxaana horay Odayaal kasoo jeeda Baladweyne ay udiideen shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe,sidoo kale safarka Cumar Cabdirashiid ayaa kuso beegmaya xili maalmo ka hor uu qarax ka dhacay garoonka diyaarada ee baladweyne oo 6 ruux ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST.