Guddiga arimaha dibada ee baarlamaanka oo hambalyo udiray Xoghayaha cusub ee Jaamacadda Carabta

Muqdisho-(Puntland Post)-Guddiga arrimaha dibadda ee barlamaanka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Xoghayaha Cusub ee Jamacadda Carabta Ahmed Abuu Gheit Wasiirkii hore arrimaha dibadda ee dowladda Masar.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Barlamanaka Soomaaliya ayaa sheegay in uu yahay nin aqoon wanagsan u leh Soomaaliya, isla markaana jecel horumarka iyo nabad gelyadda guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Nin Jaamacadda carabta wax badan ka soo shaqeeyay waaye, isla markaana Soomaaliya wax badan ka og xaaladeeda, runtii waan ugu hambalyayneynaa xilka loo magacaabay ee ah xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay Masar oo ay ka mid tahay Wasiirka Arrimaha dibadda” ayuu yiri Prof Dalxa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay markasta ka go’antahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka

Ahmed Abuu Gheit oo dhawaan loo magacaabay xilka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah 1-da bisha July la wareegi doono xilkaasi, waxaana uu dhashay sanadkii 1942.

PUNTLAND POST