Wasiirka Cadaalada Puntland oo ka qayb galaya shir ka dhici doona New York

IMG_6AD7AA-75E611-408067-35D6EE-0BD832-04A813GAROWE(Puntland Post) Puntland ayaa lagu marti qaaday shir balaaran oo maalmo ka dib ka furmi doono waddanka Maraykanka, shirkaa isaga ah waxaa lagu marti qaaday wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac.

Saalax Xabiib oo saaka ka dhoofayay garoonka macbalka ah ee Garowe ayaa warbaahinta u sheegay socdaalkooda inuu salka ku haya marti qaad ay ka helaan Hay’adda UNFPA kaasoo la xiriira ka qayb galka shirka New York oo looga hadlaya tacadiga hawaanka sida kufsiga iyo gudniinka fircooniga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay shirkaasi inuu socon doono ku dhawaad labo todobaad, sidoo kalena ay goob joog ka noqonayaan madaxda ugu saraysa Qaramadda Midoobey sida Xoghaye Baan Ki Moon.

Sidoo kale wafdi ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa ka qayb galaya kaasoo xoogga lagu saarayo xaalada haweenka iyo horumarada laga gaaray ka hor taga tacadiyada ay la kulmaan.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah kuwa u nugul dhibaatooyinka, gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha Qaxootiga.

PUNTLAND POST