Muxuu salka ku hayaa socdaalka xeer ilaaliyaha qaranka DFS ee Garowe ?

GAROWE-(Puntland Post) Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya Dr.Axmed Cali Daahir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan ku sugan magalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana ka mid ah wafdigiisa taliyaha ciidanka asluubta DFS,Bashiir Goobo iyo ilaa 12-safaaradood oo dowladda dhexe taageera.

Dr.Axmed Bashiir waxa uu sheegay waraysi uu siiyay SBC in socdaalkiisa uu yahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xeer ilaalinta dalka sida tan dowladda dhexe iyo kuwa mamulada dalka sidoo kale waxa uu sheegay inay Garowe ku yeelanayaan shir ballaaran oo looga hadlayo horumarinta xabsiyada dalka maadama magalada Garowe uu ku yaalo xabsi hab casri ah loo dhisay.

Waraysiga laga qaaday xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sidoo kale lagu waydiiyay sidey u maareeyaan kiisaska ama cabashooyinka la xiriira dhulka gaar ahaan magalada Muqdisho.

Waa markii ugu horaysay uu masuulkan magalada Garowe yimaado tan iyo markii xilkan loo magacaabay, sida uu sheegay waxa horay u tagay xarumaha mamulada dalka ka jira.

PUNTLAND POST