PSG oo Stamford Birdge ku soo garaacday Chelsea una soo baxday wareega 8 da ee Uefa Champions league-ga

Kooxda paris saint-Germain ayaa Stamford Birdge ku garaacay 2-1 kooxda Chelsea ee horyaalka England ku lankii lugta labaad ee Uefa Champions league-ga,

Waxay PSG usoo baxday wareega sideed dhamaadka ee Champions league-ga

Chalsea oo marti loo ahaa ayaa gurigeeda loogu awood sheegtay iya oo wadar ahaan looga soo baxay 4-2,

PSG waxay guusha uga mahad celinaysaa Adrien Rabiot iyo Zlatan Ibrahimovic halka chesea goosha kaliya uu udhaliyay laacib kooda costa oo ciyaarta dhaawac looga saaray.

Labada koxood ayaa wareegyada kala baxa ee Champions league-ga ku kulmay xilli ciyaareedkii saddexaad oo xidhidh ah laakin Chelsea ayaa kulanka ka doonaysay in ay gool ka gaadho PSG ee xilli ciyaareedkii hore garoonkeeda ku reebtay laakiin taasi ma dhicin.

Daqiqadii 16 aad ayay PSG goolkeeda kawaad heshay waxaana u saxiixay laacibkooda Adrien Rabiot caawinaad u ka helay Zlatan Ibrahimovic Chelsea ayaa goolka bareejada heshay daqiiqadii 27 ee qayb hore waxaana u dhaliyay laacibkoda Diego costa,

PSG ayaa goolkeeda labaad heshay daqiidadii 67 ee qaybtii danbe ee cayaarda waxaana usaxiixay laacibka ay ku dhaartaan ee Zlatan Ibrahimovic caawinaad uu ka helay Di maria cayaartuna waxay ku soo gabagabowday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooda reer france PSG.