Real Madrid oo u soo gudubtay wareega 8 dhamaadka Champions league iyo C.Ronaldo oo taariikh dhigay

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 8da ee koobka champions league kadib markii ay 2-0 kaga takhaluseen wareega 16ka kooxda reer Talyaani ee As Roma cayaar ka dhacaysay Santiago Bernabéu Stadium AS Roma ayaa caabin muujisay qaybtii hore ee cayaarta , waxaana kooxda ugu guulaha badan koobkan wadar ahaan ku soo baxday 4-0.   C. Ronaldo ayaa isna taariikh dhigay xalay isagoo noqday xidigii ugu horeeyay oo 90 Goal dhaliya koobka Uefa Champions league, C.Ronal ayaa gool dhaliyay isla markaana caawiye ka ahaa gool udhaliyay James Rodriguez waana goolkii ugu horeeyay ee uu Champions league xilli ciyaareeedka ka dhaliyo James Rodriguez .

Real Madrid ayaa hogaanka qabatay ciyaarta daqiiqadii 64aad markii Modric uu kubad u dhigay Lucas Vazquez oo garabka midig joogay, waxaana uu soo dhigay karoos fiican oo uu Cristiano Ronaldo shabaqa ku taabtay inkastoo uu raacanayay Monalas.

C.Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 13 aad ee Champions league xilli ciyaareedkan

Afar daqiiqo ka dib waxaa hogaanka usii dheereeyay James Rodriguez kadib markii kubad weerar ah oo ay soo qaadeen uu Cristaino Ronaldo u dhigay James Rodriguez oo dhanka bidix ka soo galay xerada goolka, waxaana uu kubada ka hoos bixiyay goolhaye Szczesny taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-0

Real Madrid ayaana fursado badan oo goolal loo filan karay iska khasaarisay ugu danbayntiina waxay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday Real Madrid.