Doon uu leeyahay Ganacsade reer Puntland ah oo lagu gubay Magaalada Berbera

BERBERA(PUNTLAND POST)-Waxaa Magaaladda Berbera oo ah Magaalo dekadeedka Maamulka Somaliland lagu gubay doon uu leeyahay Ganacsade lagu magacaabo Cali Ducaale oo kasoo jeeda Degmadda Laasqoray ee Gobalka Sanaag Puntland.

Wararka ay helayso Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya inay doontan gubeen Dhalinyaro maalmihii u danbeeyey rabshado kala duwan kawaday Magaaladaas oo ka xanaaqsan Dilkii Taliyaha Qaybta Gobalka Saaxil dhaawaan loogu geeystay Magaalada Berbera lamase oga sababta ay rabshadahani u galaafteen doon uu leeyahay Ganacsade aanba kasoo jeedin Magaaladaas.

Xilhibaanadda Maamulka Somaliland ee kasoo jeeda Beesha Ganacsadaha doonta laga gubay ayaa si aada falkan u cambaareeyey iyagoo Dawlada Somaliland ku eedeyey inaysan waxba ka qaban falkii loo geystay doontaas iyo Dadkii geystay toona,.

Si lamid ah Xildhibaanadan ayaa Maamulka ku eedeeyey inaysan waxba ka qaban xiligii ay doontu gubanaysay, oo ugu danbayntii ku bas beeshay meeshii ay ku gubatay.

Gubashada Doontan ayaa si aada looga hadal hayaa degaanada Somaliland, waxaana si aada falkan ugu xumaaday Bulshada reer Sanaag ee ku sugan Maamulkaas.

Hoos ka Daawo Xildhibaanada Falkan ka hadlay

Puntland Post