Dawlada Ruushka ayaa dareen aan wanaagsanayn ka muujisay dhoola tuska wadajirka ah ee ay wada samaynayaan Dalalka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya oo ah kii ugu balaarnaa ee abid ay wada sameeyaan Dalalkaasi isla markaana sii kordhiyey xiisadii ka aloosnayd Gacanka Kuuriya.
Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Ruush ayaa sheegay inuu dhoola tuskani xaaladda sii xumayn karo, wuxuuna ku tilmaamay mid cadaadis lagu saaraayo Dalka waqooyiga Kuuriya.
Ruushka ayaa ugu baaqay dhamaan dhinicyadu inay hakiyaan dhoola tusyadda, lana ogolaan xaalad dhalin karta khilaaf la kantarooli waayo kuna fida Gacanka Kuuriya.
Maanta ayey Dalalka Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya wada bilaabeen dhoola tus aad u weyn oo aan horay noociisa loo arag, Iyadoo Dalka Waqooyiga Kuuriyana uu ku goodiyey inuu qaadi doono weraro Hubka Nuklerka ah.
Puntland Post