Pakistan(Puntland Post)-Qarax ismiidamin oo ka dhacay banaanka hore ee Maxkamad ku taal Waqooyi Galbeed Dalka Pakistan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 8 qof halka ay ku dhaawac meen Dad intaa kabadan sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Weerarkan oo u fuuliyey qof naftiisa miidaamiyey ayaa Maanta oo Isniin ah ka dhacay Maxkamad ku taal Gobalka Waqooyi Galbeed ee Dalka Paskistan waxaana dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhawacmay oo iyaguna ka badan 18 qof loo daabulay Isbitaalada ku yaal degaankaasi.
Kooxaha Caafimaadka ayaa ku dadaalaya sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka ku dhaawacmay qaraxan oo ahaa mid aad u weyn.
Amaanka Dalka Paskitan ayaa kasii daraaya marba marka ka dambaysa iyadoo kooxaha Argagixisada oo ay kamid tahay Talibaan ka fuliyaan qaraxyo aad u weyn, Isla Gobalkan Bishii Janaayo ayey ahayd markii qarax ka dhacay Jaamacada Bacha Khan lagu diley in ka badan 21 arday, waxaana qaraxaas fuliyey kooxda Taliban.
Puntland Post