Maraykanka oo sheegay inay weerar cirka ah ku qaadeen xarakadda Alshabaab

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen xero lagu tababarto oo ay leedahay kooxda Al-shabaab.

Weerarkan waxaa fuliyey Diyaaradaha aan cidina wadin ee loyaqaan Drones-ka waxayna Maraykanku sheegeen inay ku dileen weerarkaas in ka badan 150 katirsan xarakadda Alshabaab ee ku suganaa xero tababar oo ku taal Koonfurta Soomaaliya.

Ma jiro wax wara oo kasoo baxay xarkadda Alshabaab oo beeninaaya ama rumaynaaya weerarkan ay sheegteen Maraykanku.

Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka iyo Dalal kale oo ay kamid tahay Kenya ayaa duqaymo ay sheegaan inay la beegsadaan Xarakadda Alshabaab la sheegaa inay ku layaan dad rayid ah iyo xoolahooda waxaana arintan ay walaac iyo baqdin ku abuurtay Dadka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha duqaymahan laga fuliyo

Puntland Post