Xiisadda ka aloosan Gacanka Kuuriya oo cirka isku sii shareeraysa

Dalalka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya ayaa maanta bilaabay dhoola tuskii Milatari ee ugu weynaa abid oo ay si wadajir ah u wada sameeyaan labadaan oo saxiib ku ah go’doomin Dalka Waqooyiga Kuuriya oo waayadii danbe u eg inuu ku hubaysan yahay Hubka khatarta badan ee Nuclerka.

Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay inuu dhoola tuskani yahay kii ugu balaarnaa abid oo ay wada sameeyaan Dalka Maraykanka isla markaana uu yahay midkii sanad laha ahaa ee ay si wadajir u sameyn jireen sanad walba walow uu yahay mid aan noociise horay loo arag.

Waqooyiga Kuuriya ayaa Dhoola tuskan u aragta daandaansi ay Dalalkaasi uga gol leeyihiin dulaan ay ku qaadaan Dalka Waqooyiga Kuuriya, Iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan Weerar Hubka Nukleerka ah oo ay kaga hortagayaan Daandaansiga Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya.

Dhoola tuskan waxaa ka qayb gelaaya 17,000 oo ah Ciidamada Maraykanka iyo in ka badan 300,000 oo ah kuwa Koonfurta Kuuriya, waxaana bayaan ay Dalalkani soo saareen uga digeen Dalka Waqooyiga Kuuriya inuu joojiyo Dabeeacada qalafsan ee ay xasarada kaga abuurayaan Aduunka hadii ay joojin waayana waxay ciidamadayadu ka bixin doonaan Jawaab cad ayaa lagu yiri bayaanka.

Waqooyiga Kuuriya ayaa diidey Cambaaraynta kaga imaanaysa caalamka ee ku aadan tijaabadeeda Hubka Nukleerka ah iyo gantaalada ridada dheer ee ay adeegsanayso, wuxuuna todobaadkii hore Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un uu amray inay Ciidamadiisu diyaar u noqdaan adeesiga Hubka Khatarta ah Nukleerka si ay uga hor tagaan daandaansiga sii kor dhaaya ee Cadawga.

Xiisada ka aloosan Gacanka Kuuriya ayaa sii kor dhaysa mar marba ka dambaysa iyadoo caalamku ga’doomiyey Dalka Waqooyiga Kuuriya hase ahaate Dalkaas ayaa sii kordhinaaya awoodiisa Milatari, waxuuna samaystay Hubka wax gumaada ee Nukleerka, taas oo welwel badan ku abuurtay Quwadaha waaweyn ee Caalamka sida Maraykanka iyo Saxiibadiisa NATO.

Qaramada Midoobay ayaa todobaadkii hore sii adkaysay cunaqabatayntii Dalka Waqooyiga Kuuriya, Iyadoo Hogaamiyaha Dalkaasi oo booqday Gantaalada Dalkiisa uu amray in lasii kordhiyo Hubka Dalka tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

Puntland Post