Dagaal ay ku dhinteen 45 qof oo ka dhacay Dalka Tunisia meel u dhow xaduuda Liibiya

Inta la hubo ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay iska hor imaad mudo saacado ah ka socday Magaalo ku taal Dalka Tunisia una dhow xadka uu Dalkaasi la leeyahay Wadanka Liibiya.

Wasiirka arimaha Gudaha Dalka Tunisia ayaa sheegay in ay weerarkan oo ay soo qaadeen Maleeshiyaad hubaysan ku dhinteen 28 kamid ah kuwii weerarka soo qaaday, 10 askari iyo todobo qof oo rayid ah kaas oo ka dhacay halka lagu magacaabo Ben Gardane, waxay sidoo kale Maleeshiyaadkii weerarka soo qaday kaxaysteen Gaari Ambalaas ah.

Wasiirka arimaha Gudaha Dalka Tunisia ayaa tilmaamay inay bandow kusoo rogeen Magaalada uu weerarkani ka dhacay ee Ben Guerdane si looga hortago falal amni xumo oo hor leh.

Dalalka Bariga dhexe waxaa kusoo kordhaaya isbalaarinta kooxda Daacish iyo weeraro joogto ah oo ay ku qaadayso Dalalkaasi, walow ay dagaal adag kula jiraan wadamo isbahaystay hadana ma muuqato inay wiiqeen awooda kooxdan la baxay Dawlada Islaamka.

Puntland Post