Xafiiska Astaynta Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa puntland oo soo gaba gabeeyey qiimayntii Maamul wanaagga ee heerka koowaad

GAROWE(PUNTLAND POST)-Xafiiska Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Dowladda puntland ayaa labdii bishan maarso  soo gabeeyey  qiimayntii  Maamul wanaagga ee heerka koowaad ee hay’adaha Dowladda.

maamul wanaag

Qorshahaas  qiimaynta ah oo looga  gol leeyahay in la ogaado  heerka maamul wanaag ee ka jira hay’daha kala duwan ee Dowladda kaas oo salka ku haya qiimayno saddex heer ah oo kala horreeya.

Tan iyo intii Dowladda uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland  Dr Abdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa isa soo taraya muuqaallo muujinaya Maamul wanaag iyo isla xisaabtan lagu xoojinayo  hayadaha Dowliga ah.

Si aan ugu kuurgalno  howlaha socda iyo  maamul wanaagga Puntland halka uu marayo  ayaa Puntlandost waxaa u suura gashay in aan booqanno xafiiska howlaha Maamul wanaagga Musuqmaasuqa  u qaabilsan Dowladda Puntland,  si aan wax badan ugu kuur galno ayaan halkaas waxaan kula kulanay Agaasimaha guud ee xafiiska  Cabdiraxmaan Cali Guureeye,  waxaanna la yeelanay warasi meelo badan oo kala duwan taabanaya, warasigiina waxa uu u dhacay sidan:

Ugu warrayn waxaan Agaasime Guureeye wax ka weydiinay sida uu u arko wax yabaha u qabsoomay Dowladda uu agaasimaha ka yahay  dhanka maamul wanaagga iyo meelaha uu is leeyahay wax badan oo horumar ayaa laga gaaray?

Puntlandpost Marka hore waad mahadsan tihiin,  anigu waxaan aamin sanahay howl badan oo baaxad leh ayaa inoo wada taal iyo in horumar dhab ah loo wada istaago.

Waxaan is leeyahay wax badan ayaa qabsoomay  labadii sano ee la soo dhaafay, wax yaalaha il qabadka ah aan is leeyahay waa muuqdaan , dhanka kabayaasha dhaqaalaha ee qaarkood dhamaandeen qaarkoodna ay howshoodu socoto  marka laga soo tago waxaa ka mid ah:-

dib u qaabaynta shaqaalaha Dowladda si loo helo shaqaale adeeg hufan u gudbin Kara ummadda reer puntland; arrintan dhiira galinta ah  ee isku tashadka iyo wada tashadka ah oo  Dowladdani soo kordhisayna runtii  muhiimad weyn leh xusidna mudan,  waxaa ka kale oo yadana u baahan in la sii iftiimiyo waa arrinta isla  xisaabtanka wasaaradaha iyo iyo waax yaha kale ee Dowladda. sidoo kale howshan xafiiska aan agaasimaha ka ahayi uu wado yaduna  waa arrin ugub ah oo aan horay ahmidda ay leedahay loo siin.

Mar aan wax ka waydiinay howlaha baahinta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee xafiisku Halka ay wax marayaan, waxa uu mar kale Agaasimuhu Ku jawaabay.

Howshaas yada ah bilow wanaagsan bay noo joogtaa,  waxaan samanay barnaamij cad oo aan ku baahinayno kuna wanaajinayno maamul wanaagga, waxaan samaynay qorshe cad oo aan kula dagaalamayno musuqmaasuqa, kuna dhiira galinayno xafiis walba oo Dowli ahi in addeegga ummadda loo hayo la wanaajiyo, arrimahaas qorshe asaas wanaagsan oo kobcaya ayaan ka samaynay, waxaanna aad ugu rajo weyn nahay in wax fiicani is beddelaan mustaqbalka dhow.

Sidoo kale waxaan agaasimaha waydiinay , barnaamijkii qiimaynta ee ay ku wadeen hay adaha Dowladda halka uu marayo?

Arrintan in qiimayn joogta ahi jirto waa arrin  muhiim  dowladnimada, xafiiskan maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ka mid ah howl maalmeedkooda.

barnaamijka yaga baahintana door weyn kaga jira, qiimayntaduna heerar kala duwan ayey kala leedahay, hadda waxaan dhawaan soo gaba gabaynay qiimantii heerka kowaad ee aan ku cabbiraynay meerka maamul wanaaag, adeeg hufnaan iyo musuqmaasuq la dagaalan inta uu ka gaarsiisan yahay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda dhawaan ayaan war bixin ka soo saaraynaa haddii alle idmo, u kuur galidaada iyo qiimaynaha aan samaynayna sawir iyo heerarka kala duwan ee la kala joogo ayaa nooga oo baxay, waxaanse rajeynaynaa in standardisation (isku hal muuqaal) ay wada yeeshaan ha adaha Dowladda oo dhan kaas oo ku qotoma maamul wanaag dhab ah oo qotoma  si wanaagsanna u shaqaynaya.

Ugu dan bayn waxaa si kooban wax uga waydiinay safarkii ay dhawaan ay ku tageen magaaladda gaacsiga ah ee Boosaaso, waxa uuna agasimuhu arrintaas ka yiri.

Safar   wanaagsan oo ahmiyad gaar ah noo leh buu ahaa, halkaas dhow wasaaradood ayaa xaruntoodu ku yaaliin, howsha aan u tagnayna qiimayn iyo u kuur galid bay noo ahayd safar  oo ku saabsan qiimaynta heerka labaad ah yaan mar kale team kayagu ku tagi doonaan bisha danbe haddii alle idmo, howl baaxad leh baa noo taal in aan sannadkan dhexdiisa qabano haddii alle idmo, rajo fiican baaa noo muuqata.

Xafiiska maamul wanaagga ayaa dhawaan wuxuu sameeyey qorshe uu  ugu yeeray bayaankii kowaad ee warqadda cad kaas oo koobaya howl galka Baahinta, isla qaadashada, dhaqan galinta, qiimaynta hay adaha dowladda iyo qorshaha is abaalmarinta kaas oo ujeedadiisa ugu weyn ay ahay in uu Puntalnd ka taabba galo maamul wanaag dhab ah oo xafiis walba ka muuqda in uu Puntland ka taabba galo, musuqmaasuqa dagaal cad lala gali doono.

Puntland Post