Soomaaliya oo sharafteedii ka iibsatay Sacuudi Carabiya

Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Hibaaq Cismaan ayaa qoraal dheer oo ay ku daabacday Wargeyska huffingtonpost oo fadhigiisu yahay Dalka Maraykanka kana mid ah kuwo ugu afka dheer aduunka kaga hadashay Gabdho Soomaaliyeed oo ay Dawladda Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ka iibsatay Dalka Sacuudi Carabiya.

Maqaalkan ayey Hibaaq ugu Magac Dartay “Soomaaliya oo Sharafteedii ka iibsatay Sacuudiga” Waxayna si aada ugu nuux nuuxsatay khatarta ay Gabdhahani kala kulmi karaan Dalkaas oo kamid ah kuwo ugu liita xaga Bini’aadatinimada, Iaydoo soo qaadatay bah-dilka ay ku sameeyeen Gabdho kasoo jeeday Wadamo Sabool ah.

Dawladaha saboolka ah ayaa gabi ahaanba diidey inay Hablohooda u diraan Dalkaas kadib markii ay kala kulmeen dhibaatooyin aad u weyn, waxaana ugu danbaysay Dawlada Uganda oo gabi ahaanba ka mamnuucday Gabdhaha Dalkaas inay u shaqa tagaan Dalka Sacuudi Carabiya.

Dawlada Sacuudiga oo qani ku ah Shidaalka ayaa doonaysa inay hesho shaqaale lacag jaban ku shaqeeya oo u badan gabdho adeegtooyin ah, badanaana ka shaqeeya nadaafada Guryaha iyo Goobaha kale ee Muhiimka ah.

Hibaaq Cismaan ayaa qoraalkeeda ku gunaanaday inay ceebowday Dawlada Fadhigeedu yahay Muqdisho aysana waligood ka cafin doonin waxa ay kula kacayaan Gabdhaha Soomaaliyeed.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xili ay Dawlada Soomaaliya sheegtay inay Sacuudiga u dirayso 50,000 oo Gabdhood oo ka shaqayn doona Nadaafada Guryaha iyo Goobaha kale ee Muhiimka, Iyadoo ay arinkan si aada ugu xumaadeen guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

http://www.huffingtonpost.com/hibaaq-osman/everything-must-go-somalia-sells-dignity_b_9358738.html

Puntland Post