Puntland oo ka hortimi Gabdho Jaariyada ah oo ay Dawlada Soomaaliya u dirayso Sacuudi Carabiya

Garowe(Puntland Post)-Wasiir Ku-xigeenka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dawlada Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi oo Waraysi gaar ah siisay Madasha 60 oo uu fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka ayaa sheegtay inaysan Wasaarada Haweenka iyo Guud ahaan Dawlada Puntland waxba kala socon Gabdho Jaariyado ah oo la sheegay in loo qaadi doono Dalka Sacuudiga.

Wasiir Ku-xigeenka Haweenka Puntland  oo mudo dheer ku noolayd Dalka Sacuudiga ayaa wax  laga xumaado ku tilmaatay in Gabdho Soomaaliyeed oo Da yar loo dhigo Dalkaas oo aan laga ixtiraamin xuquuqda aadamaha, waxayna ugu baaqday Dawlada Soomaaliya inay ka fiirsato arintan.

Farxiyo Yuusuf Xirsi ayaa tilmaatay inay Gabdhahani wajihi karaan Khataro aad u badan, Iyadoo Gabdhaha Sacuudiga loo diraayo ku tilmaatay Gabdho waxbartay oo ay mudo walidiintoodu kusoo tabcaayeen, maantase la doonaayo in la geliyo nolol Mugdi ah.

Hoos ka Daawo Waraysiga Wasiir ku-xigeenka

Puntland Post