Garowe(Puntland Post)-Waxaan Hoolka Shirarka ee Gabsoor lagu daah furay Mashruuc balaaran oo magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland loogu raadinayo Biyo Macaan.
Mashruucan oo ay samaynayso Shirkad lagu magacaabo Sahan Mineral Water ayaa lagu sheegay in Magaalada Garowe loogu samaynaayo Biyo macaan oo ka duwan Biyaha Iminka Laga Isticmaalo Caasimada Sida uu sheegay Cabdi Faarax Guureeye oo ah Gudoomiyaha Shirkadda Sahan, Gudoomiyaha Shirkadan ayaa balan qaaday inay Garowe oo ah Caasimada Puntland ka haqab tiri doonaan Baahida Biyood ee iminka ka jirta gaar’ahaan Biyaha Macaan.
Ku xigeenka Duqa Caasimada Mudane Cismaan Maxamed Siciid ayaa Mashruucan ku tilmaamay kuwii ugu wanaagsana oo Caasimada laga hirgeliyo, wuxuuna ku amaanay asaasayaasha Shirkadda Sahan fakarka saliimka ah ee ay ku qaateen inay Caasimada u sameeyaan Biyo Macaan, Ku xigeenka Duqa ayaa sheegay inay shirkadan si buuxda ugu ogolaadeen inay samayso Sahamintan balaaran ee la xiriirta soo sarista Biyo Macaan oo ay Garowe yeelato.
Godoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Maxamed ayaa dhankiisa soo dhaweeyey Mashruucan Caasimada Biyo macaan loogu raadinaayo, wuxuuna tilmaamay inay ku taageeri doonaan Shirkadda mashruucan wada isla markaana ay siin doonaan Goob kasta oo kamid ah Garowe oo ay Biyo macaan ka helaan ayna uga qaadi doonaan cid kasta oo leh dhulka laga helo Biyo Macaan iyadoo danta guud la fiirinaayo, Gudoomiye Cumar ayaa shirkadda ugu baaqay inay Magaalada keenaan wax ka badelan biyihii aadka u liitey ee horay Caasimada looga isticmaali jirey.
Magaalada Garowe ayaa laga iticmalaa in kabadan afar nooc oo biyo ah kuwaas oo loo yaqaan Magacyo kala duwan, waxaana Magaaladani baahi weyn u qabtaa inay mar un hesho Biyo Macaan.