Kampala(Puntland Post)-Dalka Uganda ayaa saaka looga dareeray Goobaha cod bixinta, Iyadoo ay Dadweynaha reer Uganda soo dooranayaan Madaxweynaha Dalka iyo xubnaha Baarlamaanka Wadankaasi.
Doorashada Madaxtinimada oo ay ku loolamayaan sideed murashax ayaan qaar kamid ah Goobahii loogu talagay lageyn Sanaadiiqda cod bixinta, Halka qaar kalena ay si aada uga soo dib dhaceen, Goobaha ay kasoo dib dhaceen waxaa kamid ah meelo kamid ah Caasimada Kampala iyo Magaalada Dhaqaalaha ee Jinja.
Wararka ay iminka Warbaahinta Puntland Post ka helayso Magaalada Kampala ayaa sheegaya in goor dhawayd ay ciidamada Boolisku xireen Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee FDC Dr Kizza Besigye kaas oo loolan adag uga imaanayey Madaxweyne Museveni oo sodon sano Dalka soo xukumaayey.
Kizza Besigye ayaa maanta sheegay inaysan Uganda waligeed Doorasho xor iyo xalaal ah ka dhicin ayna tana dariiqaas un qaadayso, Gudiga Doorashada ayuu ku eedeeyey inay xalaalnimada ka fog yihiin.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Booliska Uganda ayaa iska fogeeyey inay xireen hogaamiye Kizza Besigye, Isagoo tilmaamay inay un gurigiisa geeyeen Ciidamo suga amaankiisa sababo jira awgeed.
Safiirka Maraykan ee Dalka Uganda Deborah Malac ayaa xirigan ku tilmaatay arin horumarka iyo Dimuqraadiyada lagu carqaladaynaayo, Iyadoo dalbatay in si degdeg ah xoriyadisa loo siiyo.
Natiijada Doorashadan ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo maalinka sabtida ah, Waxaana siweyn loo filayaa inuu ku guulaysan doono Madaxweyne Museveni.