Warbixin: Guul Daraddii Chelsea Ee champions league

PSG ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd xalay lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka iyaga oo uga soo badiyay 2-1 goolal ay kala dhaliyeen Zlatan Ibrahimovic iyo Cavani Daqiiqadihii 39 iyo 77 aad

Hadaba Puntland Post ayaa soo koobeysa arimo laga bartay kulankaas

1- PSG waxa ay muujiyeen in ay ka mid noqdeen kooxaha ugu weyn Yurub ka dib sida cajiibka aheyd ee ay u garaaceen kooxda Champion-ka qaadday sanadkii 2012-kii ee Chelsea

2- Daafaca Chelsea waxa uu ahaa bir balse qalad yar oo ka dhacay ayaa ku keenay guul daraddaas

3- Goolhaye Thibaut Courtois waxa uu xalay muujiyay in uu ka mid yahay goolhayayaasha dunida ugu fiican

4- Hazard heer wacan kuma soo muuqan kulankaas , mana aheyn xilligii lala bar bar dhigi jiray Messi iyo Ronaldo .

5- Goolkii Cavani waxa uu muujinayaa muhiimadda ay leedahay jiritaanka weeraryahan madaxa banaan .

psg1 psg2 psg3 psg4