Maxaa hor yaala Gudiga cusub ee Doorashooyinka Puntland?

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 15-February,2016 si rasmi ah ugu dhawaaqay Gudiga Doorashooyinka Puntland, Madaxweynaha oo xaq u leh inuu soo magacaabo 5 xubnood ayaa soo dhamaystiray xubnihiisa isagoona ku daray xoghayaha Gudiga, inta dhiman oo ah 4 xubnood ayaa laga sugayaa Barlamaanka.

Bec

Gudigan waxaa ka dhex muuqda Labba wariye oo caan ka ah Puntland kuwaas oo kala ah Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) oo ahaa  mudo dheer wakiil wareedkii Idaacada BBC-da Degaanada Puntland markii danbena noqday Agaasimaha Warbaahinta Dawlada Puntland, iyo Maxamed Saciid Kaashawiito oo isna mudo dheer ka shaqaynaayey warbaahinta maxaliga ah ee Puntland loona magacabay xog-hayaha ururka, Marka la eego tirada ay saxafiyiintu ka heleen Gudigan ayaa la oran karaa Madaxweyne Gaas intuu sadkoodii siiyey ayuu weliba burana ugu daray.

Maxaa hor yaala Gudiga uu Madaxweynuhu Magacaabay?

Marka loo barbar dhigo caqbadaha hor yaala Gudigan uu magacaabay Madaxweyne Gaas waa ka fudud yihiin kuwii haystay Gudigii u magacaabay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ugu danbayntiina kala diray Bishii April 2013 kadib markii ay fashilantay Doorashadii Golayasha degaanka oo xiligaas dhici lahayd ayna ka hor yimaadeen Siyaasiyiin iyo Odayaal  kala dano duwanaa kase midaysnaa fashilinta hanaankaas.

Gudigii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo uu Gudoomiye u ahaa Dr Maxamed Xassan Barre meel aysan waxba jirin ayey arinkan ka bilaabeen, Tusaale ma aysan jirin sharuucdii Gudiga Doorashiiyinka, tii ururada siyaasadsada, Tii Xisbiyada iyo Qaynuunka Doorashooyinka Qaranka toona, mudo ayey ku qaadatay samaynta sharuucdaas muhiimka u ah Doorasho iyo Dumuqraadiyad Dalka ka hir gasha , ugu danbayntiina way ku guulaysteen walow aysan u wada dhamays tirnayn heerkii laga rabey.

Gudigan cusub ee uu Magacaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali qudhooda mayara caqabadaha hor yaala waxaana ugu horeeya inay dadweynaha fahamsiiyaan ka guurista wax qaybsigii Beelaha iyo u guurista hanaan Dumuqraadi ah oo ay si siman iskaga wada dhex arki karaan dhamaan dadweynaha iyo Beelaha Puntland, waana arin u bahan in la geliyo dadaal aad u badan maadama Soomaalidu tahay umad uu Qabiilku ku xididaystay ayna adag tahay in si fudud looga raro hanaanka wax qaysiga Beelaha.

Inkastoo Gudigan uu nasiib u yeeshay inay diyaarsan yihiin inta badan sharuucdii uu u mari lahaa Doorasho Qaran oo Dalka ka dhacda hadana ilaa iminka ma dhisna Maxkamadii Dastuuriga ahayd ee Puntland oo iyada qudheedu Muhiim u aha hanaankan xisbiyada badan iyo Doorashooyinka xorta ah, Maadama Maxakamadaasi noqon karto halka kaliya  ee ay axsaabtu u noqon karaan marka uu yimaado khilaaf dastuuri ah, waxaase nagu maqaalo ah inuu diyaarsan yahay xeerkii Maxkamadaas oo ay harsan tahay oo kaliya in  loo magacaabo dad aqoonteeda leh oo ka duwan kuwa maanta jooga Maxkamadaha Puntland.

Tan iyo dhimishii Dawlada Puntland waxay Maamuladii kala danbeeyey Magacaabeen Degmooyin iyo Goballo ay ka jareen kuwii horay u jirey, lamana kala cadayn xuduudaha ay kala leeyihiin degmooyinka iyo Gobalada Cusub iyo kuwii laga jaray, waana arin adkayn doonta in Doorasho Dadweyne la qabto iyadoo aysan kala cadayn xuduudaha Degmooyinka, hadaan Doorashada lagu salayn doonin Degmooyinkii iyo Gobaladii ka horeeyey dhismaha Puntland sida lagu saleeyo Doorashooyinka Somaaliland, arintan ayaase ahayd wax yaabihii ugu waaweynaa ee ay cuskanaayeen Dadkii fashiliyey Doorashooyinkii la doonaayey in la qabto 2013.

Dawlada Madaxweyne Gaas waxaa mudo xileedkeedii ka haray wax ka yar sadex sano, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inuu ku raja weyn yahay inay Doorashooyinka Golayaasha degaanku qabsoonto dabayaaqada sanadkan, walow aan la xaqiijin karin sida Doorasho markii ugu horaysay loo hirgelin karo sagaal bilood gudahood.

Gudigan waxaa hor yaala caqabado u baahan in si miisaman looga gudbo, Tusaale Furista ururada Siyaasada, kala saarista ururadaas,Raadinta dhaqaalihii lagu qaban lahaa Doorashooyinka, Diwaan gelinta cod bixiyayaasha Doorashooyinka iyo xulista dad aqoon u leh arimaha Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyeynta oo daadihiya arimahan, iyo ugu danbayntii oo ah Qabashada Doorashada Golayaasha degaanka iyo soo saarista sadexda Xisbi ee Puntland, kuwaas oo ku loolami doona Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaa xusid mudan in Gudigan uu yahay Kumeel gaar uuna xilkoodu ku eg yahay maalinka lagu dhawaaqo natiijada Doorashooyinka Golayaasha degaanka, wixii malintaas ka danbeeyana si rasmi ah loo magacaabi doono Gudiga Doorashooyinka Puntland oo ay u sinaan doonaan sadexda Xisbi ee ka jiri Doona Dalka.

Ugu danbayntii Gudigan ayaa looga baahan yahay inuu muujiyo hanaan Cadaalad ku dhisan uuna ka hufan yahay Xukuumada iyo Golayaasha kale ee Dawlada, waa inuu kasbadaa Guud ahaan Dadweynaha iyo Siyaasiyiinta ku haminaaya inay qayb ka noqdaan Ururada Siyaasada iyo xisbiyada laga furi doono Puntland.

Faalada Puntland Post

Aragtidaada nagula wadaag khaanadaha Hoose