Booliska Uganda oo xiray hogaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Dalkaasi

Garowe(Puntland Post)-Ciidamada Booliska Dalka Uganda ayaa saakay barqadii xiray Hogaamiyaha Xisbiga FDC ahna Murashax u oraadaya xilka Madaxtinimada Dalkaasi, Kiiza Besigye ayaa la xiray xili uu ololihiisa Doorashada kawaday Wadada ugu weyn Magaalada Kampala ee lagu Magacaabo Jinja Road.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ayaa sheegay inaysan xirin Kiiza Besigye balse ay hayaan ayna si degdeg ah usii dayn doonaan, wuxuuna intaas ku daray in la qabtay ninkan markii uu ololihiisa ka sameeyey meelo ka baxsan goobaha loogu tala galay ololaha Doorashada Madaxtinimada.

Sawiro ay qaaday warbaahintu ayaa muujiyey Dr Kiiza Besigye oo ay ciidamada Boolisku jiidayaan, si lamid ah ayeyna ciidamadani Gaaska Dadka kaga ilmeeya ku kala cayriyeen taagerayaashi Murashaxan oo iskugu soo baxay wadadan caanka ah.

Arintan waxay kusoo aadaysa xili Doorashada wadanka Uganda ay ka harsan tahay labba  maalmood oo kaliya, lamana oga saamaynta ay arintani ku yeelan doonto loolanka Dr Kiiza Besigye oo dhawr jeer oo hore usoo tartamay talada Dalka ahna Murashax loolanka ugu culus kaga imaanayo Madaxweyne Museveni oo Dalka soo xukumaayey sodonkii sano ee ugu danbaysay.

Basiii

Kiisa

Puntland Post