Kampala(Puntland Post)-Mar kale ayaa Caawa fooda isku dari doonaan doodii ugu danbaysay oo dhex marta murashixiinta u loolamaya kursiga looga arimiyo Dalka Uganda, Doodan oo ah mid aad u adag una xiisa badan ayaa doorkan waxaa ka qayb gelayaa Madaxweynaha xukunka Dheer Yuweri Museveni oo diidey inuu soo xaadiro doodii tan ka horaysay.
Doodan waxaa ka qayb geli doona 8 Murashax oo u ordaaya Madaxtinimada Dalka waxaana goobta ay ka dhacayso oo ah Hotelka caanka ka ah Magaalada Kampala ee Serena goor horeba sii tagey Madaxweyne Museveni iyo Murashixiin kale.
Waxaa la filaayaa inuu Caawa xifaaltan adag dhex maro Madaxweynaha xukunka dheer Yuweri Museveni ahna Murashaxa xisbigiisa NRM iyo Murashaxa aan daalin ahna Hogaamiyaha Xisbiga FDC Mr Kizza Besigye oo xilkan u ordaaya markii sadexaad, Si lamid ah Madaxweyne Museveni wuxuu weerar adag uga imaan doonaa Raisal Wasaarihiisii hore ahna nin aan xisbina ka sharaxnayn oo si Madax banaan ugu caraaraya Talada Dalka Mr Amama Mbabazi.
Dadka reer Uganda ayaa Caawa Warbaahinta la iska arko indhaha ku haya, Iyadoo maalinta Khamiista ah oo ay Bishu ku beegan tahay 18ka February u dareeri doonaan Goobaha sanaadiiqda cod bixinta walow ay Dad badan rumaysan yihiin inaysan Doorashadani noqon karin mid si xor ah u dhacda uuna soo noqon doono Madaxweyne Museveni oo Dalka soo xukumaayey 30kii sano ee ugu danbaysay.
Kala soco Faahfaahinta Doorashooyinka Uganda Warbaahinta Puntland Post
Puntland Post