Garowe(Puntland Post)-Wakiilka gaarka xog-hayaha Guud ee Qaramada midoobay Danjire Micheal Keating ayaa Dawlada iyo wax garadka reer Puntland ee uu la kulmay u sheegay inay dhamaatay waxii laga yeeli lahaa Doorashada Soomaaliya 2016, balse uu Puntland u yimi sidii looga wada hadli lahaa wadada xigta ee ay qaadi doonto Soomaaliya marka la gaaro Doorashada 2020-ka.
Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in ay Dawlada Puntland, Siyaasiyiinta, Isimada iyo Bulshada rayidka ah ay dhamaantood diideen inay waftigan beesha caalamka kala hadlaan Doorashada 2020 iyadoo aanba laga qancin wixii laga yeeli lahaa Doorashada sanadkan dhici doonta.
Waftiga Beesha Caalamka ee uu Hogaaminaayo Danjire Micheal Keating ayaa ku adkaysanaaya inay Puntland dhaqan geliso Go’aamadii Madasha wadashiga kadibna wada xajood ay ka gasho waxa laga yeeli doono Doorashada xigta ee 2020-ka.
Afhayeenka Isimada Puntland oo waraysi siiyey Puntland Post ayaa la yaab ku tilmaamay waxa uu wato Micheal Keating oo uu sheegay 2016 inuuba kasoo hormarinaayo 2020 iyagoo awalba la yaabanaa Go’aamadii uu Soomaaliya ku dirqiyey isagoo maalmo kooban xafiiska joogey.
Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulmadan waxaase adag in ay Waftiga ka socoda Beesha Caalamka ay Puntland ku dirqiyaan Nidaamka wax qaybsiga 4.5 iyo Hirgelinta Go’aamadii madasha wadatashiga Qaran.
Puntland Post