Shirkadda Turkish Airlines oo dulimaad-yadeedii Muqdisho u weecisay Gagidda Diyaaradaha Hargeysa

Muqdisho(Puntland Post)-Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines oo maalinta Talaadada ah tegi jirtey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa hakisay safaradii ay ku tegi jirtay Magaalada Muqdisho, Iyadoo taas badelkeedana todobaadkan ka degtay Gagidda Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Diyaarada Turkish Airlines ayaa 2-dii bishan oo laga sugaayey Magaalada Muqdisho  baajisay safar ay halkaas ku tagei lahayd, Iyadoo Shirkadda kale ee Daallo oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ka codsatay inay usoo qaado rakaabkeedii Magaalada Muqdisho Hase ahaate markii ay wakhti yar Diyaarada Daallo Hawada ku jirtay waxaa isku qarxiyey nin haystay Tigidka Diyaarada Turkisha Airlines sida uu xaqiijiyey Wadihii Diyaarada la isku qarxiyey ee Daallo.

Duuliyaha Diyaarada Daallo ayaa tilmaamay in Shirkadda Turkish Airlines ay si kedis ah uga codsatay inay usoo qaadaan rakaabkooda Muqdisho maadama ay baajiyeen safar ay ku tegi lahaayeen Magaalada Muqdisho cimiladda oo aan wanaagsanayn awgeed.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Shirkadda Turkish Airlines oo lagu magacaabo Yahya Ustun ayaa sababaha 2-dii Bisha ay u hakiyeen Dulimaadkoodii Muqdisho ku sifeeyey Dabaylo xoogan oo maalinkaas ka dhacaayey Muqidsho, wuxuuna ka gaabsaday inuu cadeeyo in qofkii isku qarxiyey Daallo uu kamid ahaa rakaabkii qaatay Tigidka Turkish Airline.

Yahya Ustun ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu cadeeyo xiliga ay Shirkadda Turkish Airline ay dib u bilaabi doonto dulimaadyadii caalamiga ahaa ee ay ka samayn jirtey Magaalada Muqdisho.

Ma cada in Shirkada Diyaaradaha Turkigu dib u bilaabi doonto Dulimaadkeedii Muqdisho iyo inay Dulimaadyadii ay Soomaaliya ku imaan jirtey u wareejisay oo kaliya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Soomaaliland, Waxayse arimahan oo dhan kusoo beegmayaan xili Duuliyihii Shirkadda Daallo uu Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku tilmaamay mid aan sinaba amaankiisa la iskugu halayn karin.

Puntlandpost.com