Garowe (Puntland post)-Wakiilka gaarka ee arimaha Soomaaliya u qaabilsan Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey Danjire Micheal Keating iyo Wafuudii la socotay ee Beesha Caalamka ayaa kulamo xasaasi ah la qaadanaya wax garadka Puntland,kuwaas oo diirada lagu saaraayo diidmada reer Puntland ee Go’aamadii kasoo baxay madashii wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho.
Kulamadan oo saakadii horaba ka furmay Xarunta Hay’adda Horumarinta iyo Cilmbaarista Puntland ayaa waxaa ka qayb gelaaya odayaasha dhaqanka,Bulshada Rayidka, Siyaasiyiin iyo Xubno katirsan Baarlamaanka Dawlada Puntland kuwaas oo Danjiraha u gudbin doona aragtida reer Puntland oo ku salaysan inay Soomaaliya ka gudubto nidaamka wax qaybsiga Beelaha oo mudo dheer lagu soo dhaqmaayey.
Bulshada reer Puntland ayaa si aada uga xumaatay Go’aamadii ay Beesha caalamku ku jajuubtay Soomaaliya, lamana oga waxa ay isku afgaran donaan xubnahan kasocda Beesha Caalamka iyo reer Puntland oo ay aad arigtidoodu u kala fog tahay maadama Xubnaha uu hogaaminaayo Micheal Keating aad u danaynayaan inay Soomaaliya kusii socoto wadadii wax qaybsiga Beelaha.
Waftiga Micheal Keating ayaa kulamo waqti dheer qaatay xalay la yeeshay Xukuumada Puntland oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo Siyaasiyiin uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole manajirto illaa iminka wax kasoo baxay Kulmadaasi.
Puntland Post waxay idiin soo gudbin doontaa arimaha ku saabsan kulamada si joogto ah
Puntlandpost.com