Boowe Ma Bosaaso baan dhib u quuraa?

Dekada ay caanka ku tahay Bosaaso
Dekada ay caanka ku tahay Bosaaso

Bosaaso waa Caasimada Dhaqaalaha Puntland, waa Magaalada Kaliya ee nasiibka u yeelatay inay si wadajir ah u dhistaan Guud ahaan Dadka kala duwan ee Gobalada Puntland ama guud ahaan Qabaailka Gobaladan oo dil, kadibna ay si aad ugu soo hirteen Soomaali kale  oo ka timi dhinicyada kale ee Soomaalida iyo xitaa Dad aan Soomaali ahayn, Bosaaso waxaa lagu tilmaama koriso waa Magaalo ay u siman yihiin fiqiir iyo Taajir, Waa Magaalo ninkii suuqa u soofa isagoo baahan uusan kasoo laaban, Waa Magaalo ay Malaayiin Dollar ka tabceen Dad badan oo Soomaaliyeed.

Bosaaso Maxay kaga Duwan tahay Magaalooyinka kale ee Puntland?

Dawladii Maxamed Siyaad Barre oo doonaysay inay Dekad caalami ah ka dhisto Gobaladii  Waqooyi Bari dabayaqadii Dawladaas maadama ay Gobaladani tirsanaayeen cadaalad daro aad weyn iyo inaysan Dawladihii Soomaaliya ka helin saamigii ay ku lahaayeen ayaad moodey inay Dawladii xiligaa ay garowsatay dib u dhaca Gobaladan iyo inay ka hareen asaagood si lamid ah Dawladu waxay doonaysay in ay dimiso mucaaradad badan oo soo wajahday oo markaa ka imaanaysay Guud ahaan Soomaaliya ayna Gobaladii Waqooyi Bari kamid ahaayeen.

Dawladii Maxamed Siyaad Bare waxay mashruuc lagu dhisaayo Wadada laamiga ah ee isku xidha Garowe Iyo Bosaaso, Dekad Caalami ah iyo Labo Garoon diyaaradeed oo caalami ah ka heshay Dawlada Talyaaniga, Madaxweyne Siyaad Bare ayaa iskugu yeeray wax garadkii Waqooyi Bari wuxuuna weydiyey Halka ay jecel yihiin inuu ka hirgeliyo mashaariicdan xoogan waxayna isku raaceen in Dekada laga dhiso Bosaaso maysan oran Qandala,Eyl,Laasqoray iyo Garacad toona ee waxay u calaamadiyeen Bosaaso oo loo arkaayey meesha ugu haboon ee ay maalgashan karaan, Bosaaso ayaa nasiib u yeelatay inay hesho Dekad haba yaraate oo Dawladii ayaa ku dhacday iyadoo dhismaheedii socdo waase lagu faaidey inbadan, si lamid ah Bosaaso waxay heshay wado laami ah oo iyada ku dhamaata kuna xirta Soomaaliya inteed kale waana tan suura gal ka dhigtay inay noqoto wadnaha ganacsi ee Soomaaliya, Nasiib wanaag Bosaaso ayaa mar kale bilowgii sanadkan cusub nasiib u heshay inay hesho mid kamid ah Garoomada ugu waaweyn Soomaaliya ahna Garoonkii ugu horeeyey ee caalami ah oo laga hirgeliyo Puntland.

Aaan usoo laabto Su’aashaydii ahayd, Bosaaso Maxay kaga duwan tahay Magaalooyinka kale ee Puntland? Waxay kaga duwan tahay wax badan, waxay nasiib u heshay wax badan oo aysan Magaalooyinka kale ee Puntland nasiib u helin waana tan keentay in Dadka Magaaladan ku nool markiisii hore Gobal kasta haka yimaade inay noqdaan Dadka ugu taajirsan Gobaladan, Dadka reer Puntland Guud ahaan dhaqaalohoodii iyo muruqoodiiba waxay geliyeen Bosaaso, waxay nasiib u heshay in laga dhiso Dekadii iyo Garoonkii Diyaaradeed ee ugu horeeyey Puntland, aan kugu daree Dekadan iyo Garoonkan looma dhisin Gobalka ay Bosaaso ku taal iyo Qabaailka Gobalkaas dega kaliyee waxaa loo dhisay inay kawada macaashaan, si isku mid ahna uga shaqaystaan Guud ahaan Dadka reer Puntlad iyo xitaa kuwa Soomaaliyeed sow ayaandaro maahan in maanta wiil laga yaabo inuusan wax badan la socon ku hadaaqo reer Hebel Bosaaso haka baxeen wax kuma lahane? Boowe maadan ogayn sidii ay Bosaaso ahayd 25 sano kahor iyo Halka ay maanta marayso?

Shaqaaqooyinkii ka aloosnaa Bosaaso maalmihii ugu danbeeyey

Maahan wax qof kasta oo reer Puntland ah oo damiir wadaninimo leh ay dhegihiisa iyo Qalbigiisuba jeclaysan karo hadalada Qabyaaladaysan ee tan iyo bartamihii 2014 ay shidayeen Dad qurba joog ah oo aan wax badan kala socon mar xalada Dalku ku jiro, Runtiina ku nool wadamo xasiloon, Qurba joogtan ayaa doonaayey inay iska horkeenaan Dad masaakiin ah oo nolol maalmeedkooda un ku mashquulsan, Uur ku dhiiglayashan oo ay waraystaan Af ku dhiig layaal sheegta wariye oo doonaaya in lagu kala guuro Bugcadan ku taal Wadanka holcaaya  ee lagu kuunyo Nabada iyo Maamulka Guunka ah ayaa sheega inay Bosaaso qaateen Qabiil hebel layiraahdo, Waa in reer hebel xaqooda helaan iyo Waa in la so celiyaa xaquuqdii Gobalka Bari, waayaabe goorma Dadka reer Puntland ay kala lahaayeen reer hebel iyo Degaano u kala qoqoban. Waa laga yabaa inay tabashooyin shacab jiraan Hase ahaate tabashadu waxay leedahay wadiiqo loomaro oo aan ahayn tan hubaysan, maynaan ku arag halka ay Soomaaliya dhigtay in wax lagu raadiyo qori caaridii? Qurba joogta Warbaahinta ka shidaayey xaaladahan ayaa ugu danbayntii isku dayaaya inay fadhi ku dirirkii ay qurbaha ku hayeen si ficil ah ugu soo raran Gudaha Dalka iyagoo dhalinyarada ku maweelinaayo wax yaabo laga xishooda oo uusan afka qof xishooda soo qaban karin.

Dadka Hormuudka u ah Shaqaaqada

Saxiibada Shaqaaqada kawada Bosaaso ha ogaadeen inay Bosaaso gashay mar xaladii ugu wanaagsanayd , ayna Dad badan bilaabeen inay kusoo laabtaan, Camiraan gobihii Ganacsiga, Hadii aad falalkan khariban  ku xumaynaysid Qof iyo Hogaamiye, Ogow inay Bosaaso ka gubanayso Dadka magaalada degan, hadii dhib laga abuurana xaq la helo daaye in xagee ku nolaada la oran doono, Yaan been loo sheegin Dadweynaha, Yaan si qaldan kursi loogu doonan dhiiga Masaakiinta iyo Burburka Dalka.

Wax garadka Puntland iyo Culimada

Inkastoo ay Dadaal dheeriya wadaan culimada iyo in badan oo kamid ah wax garadka Puntland hadana maanta waxaa la joogaa doorkii dhaqanka iyo Culimada waa in isimada Gobalada kala duwan ee Puntland iyo Culimaduba u istaagaan sidii ay u qaboojin lahaayeen xasaradan aloosan inta aysan Dad badan galaafan, ehelkuna is nicin. Waa inay door saliim ah ciyaaraan Waxgaradka Gobalada Bari, Nugaal,Mudug, Sool iyo Sanaag ayna nabada iyo isfahamsiinta Dawlada iyo Dadkeeda Hormuud u noqdaan Isimada waaweyn ee reer Puntland.

Madaxda Dawlada Puntland

Waa xaqiiq inay Dawladu la kulmayso caqabado badan oo tan iyo kuwo ka waaweyn ah, Hase ahaate hogaamiyaha wanaagsani isaga ayaa hormuud u noqda Odaynimada iyo ka hortaga shaqaaqo kasta oo dhiig ku daato oo ka dhaca degaanada uu Hormuudka u yahay, waa inaysan Puntland ka faaidaysan cadawga tira beelka ah ee doonaya inay Gobalkan ka abuuraan kala qaybsanaan Dadweyne iyo xasilooni daro si ay u garaan dano  khaasa oo ay leeyihiin, Dawladu waa inay soo dhawaysaa Dadweynaha, kalana hadashaa tabashada iyadoo loo xilinaayo si qalbi furan fahamna leh. Waa in aysan xabadu noqon waxa kowaad ee ay Dawladu xalka ku raadiso, hadii ay Dawladu Qoriga xal ku raadiso waa hameenkii xalay ahaa oo tagey inuu  ku yimaado.

Gabagabadii iyo Warbaahinta, Warbaahinta Puntland oo ay qayb ka tahay Puntlandpost waa inaan muujinaa masuuliyad dheeriya,  Waa in laga hortagaa abuurista xasarado cusub, Waa in Wararka arimahan la xariira aan u tabinaa sida ugu wanaagsan una dheeli tiran, Iyadoo laga hor tagaayo wax kasta oo iska horkeenaya umadan walaalaha ah loona ilaalinaayo nabada aan ku naloonayno, Sidoo kale waa inaan farta ku fiiqnaa Wariyaha iyo Warbaahinta dabka ka shidaaya meelaha ka baxsan Puntland iyo kuwa ku magacaaban Warbaahin reer Puntland, anagoo og inay qayb weyn ka yihiin Af ku dhiiglayaal sheegta Wariye oo ku nol Qurbaha iyo Gudahaba.

Faalada Puntland Post