Ururka FAWESOM oo Munaasabad Qalinjabin ah u qabtay Gabdho dhamaystay Jaamacadaha Puntland

Ururka FAWE oo kamid ah ururada ka jira Qaarada Africa qaybtiisa Dalka Soomaaliya oo loo yaqaan FAWESOM ayaa xaflad Qalinjabin ah u qabtay 12 Gabdhood oo kamid ah 30 Gabdhood oo ay FAWESOM ka bixiso Lacagta Waxbarashada Jaamacadaha kala duwan ee Puntland.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Farxad aad u saraysa laga dheehan karay Gabdhahan qalinjabiyey, Waxaana Mashruucan Muhiimada weyn u leh Bulshada reer Puntland iska kaashaday Ururka FOWESOM iyo Hay’adda UNDP .

Munaasabadan Qalinjabinta waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo kasocday Dawlada, Hay’adaha Maxaliga ah iyo Sadex kamid ah Jaamacadaha ay ka qalinjabiyeen Gabdhahani. Ugu Horayn waxaa Munaasabada ka hadashay Gudoomiye Ku xigeenka FOWESOM ahna kusimaha Gudoomiyaha Ururkaasi Siraad Yuusuf Ismaaciil waxayna muujisay sida ay ugu faraxsantahay Gabdhahan maanta Qalinjabinaaya, Iyadoo tilmaamatay inay Gabdhahani qayb ka yihiin 30 Gabdhood oo ay FOWESOM oo gacan ka helaysa UNDP ka bixiso Waxbarashada heerka Jaamacadeed kuwaas oo wax ka bartay ilaa 8 xarun Jamaacadeed oo ku yaala Magaalooyinka Garowe,Gaalkacayo, Bosaaso,Qardho iyo Buhoodle, Siraad ayaa sheegtay 11 kale oo kamid ah Gabdhahan inay qalin jabin doonaan dabaayaqada sanadkan 2016.

Wakiilo ka socday Jaamacadaha PSU,Bariga Africa iyo Bosaaso ayaa iyaguna Mahad balaaran u celiyey Ururka FOWESOM oo ay sheegeen inay Bulshada u qabteen wax muuqda.

Sacdiyo Maxamed Cabdi oo kamid ahayd Gabdhihii ka faaidaystay fursadan qaaliga ah ayaa Mahadbalaaran u celisay FAWESOM iyadoo tilmaatay inaysan iloobi doonin garab istaagi ururkan, ayna ka faaideen wax weyn, Maantana ay yihiin Gabdho qayb weyn ugu jira Umadooda.

Ugu danbayntii Wasiirka Waxbarashada Dawlada Puntland Abshir Aw-Yuusuf Ciise oo munaasabada soo xiray ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ay ku fadhido Waxbarashada Gabdhaha iyo sara ukaca ay samaysay sanadihii u danbeeyey, Wasiirka ayaa Mahad Balaaran u celiyey FAWESOM oo uu sheegay inay muujiyeen Dadaal dheeri ah.

Ururka FAWESOM ayaa katirsan urur weynaha FAWE oo ka jir Inta badan Dalalka Qaarada Africa kaas oo ay ku midaysan yihiin Haween weynaha Africa, waxaana markii ugu horaysay qaybta Soomaaliya laga furay Magaalada Bosaaso 2006, Halka Xarunta dhexe ee ururku si rasmi ah looga furay Magaalada Garowe 2008. Horay waxay u wada shaqayn jireen DIAKONIA Sweden, Waxayna waxbarashada ka bixiyeen 1250 Gabdhood oo ka baxay Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Puntland iyo Galmudug.

Fawe17

fawe4

fawe10

fawe5

fawe

fawe9

21

22

fawe11

fawe12

fawe13

Fawe15

fawe16

fowe1

Puntlandpost.com