Shacabka Garowe oo wada-jir u muujiyay diid-mada nidaamka 4.5

Garowe-(Puntland Post) Kumanaan qof oo ka caraysan nidaamka 4.5 oo shalay lagu jaan-gooyey in lagu soo xulo Baarlamaanka cusub ee 2016 ayaa maanta iskugu soo baxay fagaaraha caanka ah ee magalada Garowe.

Shicibka oo ku labis-naa calanka Puntland gacantana ku watay kan Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inaysan raali ka ahayn nidaamka qabiilka ayna doonayaan in doorashada soo socota lagu saleeyo hab deegaan, taasoo Puntland aaminsan tahay in Soomaaliya meel wanaagsan gaarsiin karto.

Banaanbaxyo kan la mid ah ayaa maanta ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn Puntland, waxaana soo qaban qaabiyay mamualdda degmooyinka.

Sidoo kale siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Farole iyo Cali Xaaji Warsame ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Cabdiweli Cali (Gaas) ka qaatay nidaamkaasi.

PUNTLAND POST