Shirkii Muqdisho oo go’aanno laga soo saarya iyo Puntland oo qaadacday

Muqdisho (Puntland Post) — Shirkii Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ee Muqdisho  ayaa ugu danbeyn Doorashada Soomaliya waa la go’aamiyey qaabka ay u dhacayso, shir goordhoweyto kuso dhamaaday muqdisho ayaa arintaasi lagu shaaciyay.

Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke oo shir Gudoominayay, kulanka ayaa ku dhawaaqay go’aanka iyadoo beesha caalamka iyo madaxda Maamuladu kulanka fadhiyaan.

Doorashada ayaa la sheegay in baarlimaanka lagu soo xulayo 4.5 , aqalka sarena lagu saleenayo maamul goboleedyada iyadoo Puntland iyo Somaliland sadex xubnood dheeranayaan maamulada kale.

Go’aanka waxa ogolaaday dhamaan madaxda Federaalka iyo Madaxda Maamulada Galmudug, Koonfur-galbeed, iyo Jubaland.

Puntland ayaa sheegatay in ay iyagu diideen go’aankaasi, Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi warsame oo aan la hadlay waxaa uu sheegay in ay diideen go’aankaasi.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay meel marinayso, go’aanka la saxiixay.

Habka doorashada dalka ayeey madaxda soomaaliyeed, hore uga shireen dhowr jeer waxayna aheyd arin aad loo wada sugayey.