Hay’adda Samofal oo wadda qorshayaal ay kor ugu qaadayso nolosha qaybaha Bulshada.

Garoowe (Puntland Post) — Hay’adda Samofal ayaa wadda qorsheyaal wanaagsan oo ay kor ugu qaadayso nolosha qaybaha kala duwan ee Bulshada,  Isla markaana Xirfado shaqo abuur  loogu samaynaayo Danyarta iyo Dhalinyarada wax baratay, Qorshayaashan ayaa ka socda dhawr Degmo oo katirsan Puntland sida Eyl iyo Garowe.

Ururka ayaa Degmada Eyl kusoo gabagabeeyey Bishii aan soo dhaafnay ee December mashruuc Bulshada lagala hadlaayey sidii ay u fahmi lahaayeen nolosha ku xeeran, ugana hortegi lahaayeen tacadiyada ka dhanka ah Bulshada siiba Gabdhaha sida Kufsiga iyo Gudniinka Fircooniga ah.

Faadumo Diiriye Nuur oo ah Gudoomiyaha Ururka Samofal ayaa tilmaatay inay Bulshada Degmada Eyl ay Iminka fahmeen iyagoo isku dhan Rag iyo Dumar, kahortaga tacadiyada Bulshada iyadoo wax kasta oo wax u dhimaaya Gabdhaha kusoo wargeliya Laamaha Dawlada ee hawlahan ku shuqul leh.

Dhanka kale Ururka ayaa Magaalada Garowe ugu soo gabagabeeyey tababar 90 Gabdhood oo ka baxay Jaamacadaha kala duwan ee Puntland, kaas oo lagu Baraayey wax yaabo kala duwan oo u fududaynaaya inay shaqooyin ku helaan, Mudadii u tababarkan socday ayaa lagu baray Gabdhahan wax yaabo kala duwan oo ay kamid ahaayeen Sida loo Diyaarsado C.V-yada, Hab maamuuska Shaqada, Soo jeedinta khudbadaha, iyo inay raadiyaan Macluumaadka Hay’adaha ay shaqada ka donayaan. Gabdhahan ayaa dhamaan sidii ay ahayd ugu faidaystay tababarkan, Sida uu noo xaqiijiyey Madaxa Mashaariicda Samofal Cabdiraxmaan Cismaan Cali.

Si lamid ah 60 Gabdhood oo ah kuwa haysta Ganacsiyada kala duwan ayuu Ururku u furay Tababar aad muhiim ugu ah hawlahooda Ganacsiga, Waxayna mudadii u tababarku u socday ku Barteen wax yaabo ay kamid ahaayeen Micnaha Ganacsiga, Habka ugu wanagsan ee loo Ganacsado, Ilaalinta Nadaafada Ganacsiga,Sida loo qanciyo Macaamiisha iyo Isticmaalka Buugaagta fududaysa xisaabaha Ganacsiga.

Madaxa Mashaariicda Ururka Samofal Cabdiraxmaan Cismaan Cali ayaa docda kale tilmaamay caqabado kala duwan oo haysta Gabdhahan Danyarta ee haysta Ganacsiga Yaryar, sida mahaystaan Inkaaniyaadkii u fududayn lahaa hawlahooda Ganacsi iyo Cid ka caawisa kor u qaadista Ganacsigooda(Micro finance)

Faadumo Diiriye ayaa ku eedaysay Hay’adaha Dawlada inaysan udiyaarsanayn shaqosiinta Dhalinyarada waxbaratay, Iyadoo Taasna Tusaale uga dhigtay inay Wasaaraduhu udiideen inay geeyeen Dhalinyaro waxbratay oo doonaayey inay helaan Goobo ay ku qaataan tababaro shaqo. Waxay si gaar ah ugu Mahadcelisay, Wasaaradaha Hawlaha Guud,Caafimaadka iyo Shirkadaha SOMTEL iyo GOLIS oo aqbalay inay Dhalinyarada waxbaratay siyaan Tababaro shaqo.

Dhanka kale Faadumo ayaa Dadka wax haysta ugu baaqday inay dhaqaalohooda geliyaan Ganacsi sida Warshadaha oo ah wax ka maqan Dalka si ay Dad badan shaqo abuur ugu noqoto, loona badbaadiyo Dhalinyarada maalin walba Badaha iyo lama degaanka ku dhimanaysa.

 

SAMOFAL ORIGINAL LOGO

20151201_160545

2014-12-23 13.40.45

IMG_5099

DSCN0586

DSCN0511

DSCN0495

20151201_161003

DSCN0560

Puntlandpost.com