Weerarkii Al Shabaab ee Xeebta Liido: Muxuu Yahay Damiirka Madaxda Dowladda

Maxamed Maxamuud Caalim

Falanqeeye arrimaha siyaasadda Soomaaliya

hanadka114@gmail.com

21-Kii Bishan Baar ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay weerar ay ku dhinteen in ka badan 25- Qof oo u badnaa dad u dalxiis tagay Xeebta , waxana goobta ka dhacay xaalad dad badan ay ku sifiyeen Uur ku taallo.

Ka Sakow dadka dhintay waxa jira qaar badan oo soo gaaray dhawacyo kala duwan kuwaas oo la dhigay goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho si xaaladooda wax loogu qabto qaarbaa dhawacyadooda halis ku sugan.

Madaxda Dowlada Federaalka waa ay ku adkaatay in dadka dhibanayaasha ay ku booqdaan Isbitaalada Magaalada Muqdisho waxa ayna warkooda ku soo koobeen “ Weerarkaas waa ka xunahay waana cambaareynaynaa’’ iyo erayo kale, Halkaas oo   su’aal ay ka imanaysa oo ah Muxuu yahay damiirka madaxda dawladda Faderaalka soomaaliyeed?

Dad   badan ayaa leh “ Qalbiga Madaxda Dowlada Federaalka Soomaalia waa uu adkaaday marka loo eego, iyaga oo aan wali booqan hal isbitaal oo ay ku jiraan dadka dhibanayaasha si ugu yaraan muragada ula qaybsadaan dadka waxyeeladu ay soo gaartay.

Waxaan aamin sanahay in werarada Alshabaab ay sahasho ciidamada isdaba yaacaya ee ku sugan Muqdisho. oo Qof walba oo madax sheegtaa ama shirkadaha ganacsiga ay ciidan gaara samayasteen. Way adag tahay in amniga wax laga qabto. Inta ay jiraan ciidan aan sharciyeysnayn.

Sanadkii 2014 ayee aheed markii Al-shabab ay sheegeen in fisqi baahsan uu ka jiro xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay Allah u naxariisto oo jannada ha geeyo intii ku geeriyootay weerarkii Ka dhacay Xeebta Liido, ee Magaalada Muqdisho.

Daabacaadda: Puntland Post