Muqdisho: Qaraxyo xooggan oo ka dhacay baar xeebta Liido ku yaal

Qaraxyadaan oo laga maqlay qaybo magaalda ka mid ah ayaa la leeyahay waxa ay ka dheceen baar lagu caweeyo oo ku yaal xeebta caanka ah ee Liido, halkaas oo dadweyne badani u soo nasasho tagaan.

Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa lagu soo weeraray baarka, goortii kooxaha gurmadka iyo gargaarka degdegga ahi halkaas soo gaareenna garax labaad meesha ka dhacay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in markii qaraxyadu dheceen kaddib ay koox hubaysani ay goobta soo weerartay, halkaasna ay ka socoto is rasaasayn xooggan oo u dhexeysa ciidanka gurmadka iyo kooxaha falka geystay.

Xeebta Liido ayaa ka mid ah baraha soo jiidashada leh ee dadweynaha Soomaaliyeed isugu yimaadaan si ugu tamashleeyaan uguna nashasho qaataan, waxaana hadda ka hor dhowr jeer soo weeraray kooxda Al-Shabaab.

Adeegsadayaasha baraha bulshada ayaa soo gudbinaya waxyaalihii iska soo taray weerarkaan.

Khasaaraha ay qaraxyadaani geysteen ayaan illaa iyo hadda laga war hayn, wixii soo kordha se waxa aan idiinku soo gudbin doonnaa wararkeenna danbe.