Marka laga hadlayo taariikhda degaanadda hadda loo yaqaan Puntland waxaa jira dad badan oo marka la xusuusto si mug leh loo dareemo dowrkii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda markii ay noolaayeen, lana tabo kaalinta ay baneeyeen, waxaana hal-doorkaas ka mid ah Islaan Maxamed Islaan Muuse Alle janadii ha ka waraabiyee.
Islaan Maxamed wuxuu ahaa shakhsi saameyn weyn ku leh degaanadda loo yiqiin Waqooyi-Bari ee Soomaaliya, weliba si gaar ahaa Gobbolka Nugaal, waxaase la isku waafaqsan yahay in uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu saameynta badnaa degaanadaas waqtigiisii.
Tusaale ayaan waxaan tilmaamayaa hal arrin oo muujineysa miisaankiisa dhaqan iyo dowrkiisa hogaamineed. Puntland waxaa la asaasey 1998kii, waxaana asaasey issimo, siyaasiyiin, ganacsato, culimaa’udiin, haween, dadka ugu caansanaa ee isugu yimid shirkii Garoowe ka dhacey 1998dii, waxaa ka mid ahaa dad hal-door ah oo aad looga ciseeyo Puntland, waxaana aad uga dhex-muuqdey dad badan oo kulli xusid mudan oo uu ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Islaan Maxamed Islaan Muuse.
Intii ay socotey shirkii SSDF ee lagu dhisayey Puntland waxaa jirey afkaaro kala duwan oo isku diidan qaabka ay noqon doonto Puntland-ta la dhisayo, iyo gollabada ay koobnaaneyso. Waxaa jirey qeyb ka mid ah ergada oo qabtey in Puntland lagu koobo goboladda loo yiqiin Waqooyi-Bari ee Mudug, Nugaal iyo Bari. Hase yeeshee waxaa guuleystay in Puntland ka ballaarato 3daas gobbol oo lagu soo biiriyo goboladda Sool, Sanaag iyo degmadda Buuhoodle. Ragga arrintaas isu taagey ee ku guuleystay markii danbe waxaa hormuud ka ahaa Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Islaan Maxamed Islaan Muuse, waxaana la wada ogyahay dowrkii Islaan Maxamed ee lama ilaawaanka ahaa.
Islaan Maxamed Islaan Muuse wuxuu ahaa guddoomiyihii shirkii lagu asaasey Puntland 1998, wuxuuna dowr weyn ka ciyaarey in shirkaasi najaxo, laguna guuleysto in la dhiso maamul Soomaaliyeed markii ugu horeysay tan iyo intii uu waddanka Soomaaliya ka bilaamey dagaalkii sokeeye 1991dii.
Waxaa taas markhaati u ah in Islaan Maxamed la guddoonsiiyey billad sharaf sida lagu xusey warsidaha PL, tirsi 42, Garowe Axad 18/06/2000 “Maxadweynaha dowlad-goboleedka Puntland Md Cabdullahi Yuusuf Axmed AHUN ayaa magaca dowladda PL ku guddoonsiiyey bilad sharaf Islaan Maxamed Islaan Muuse 15/06/2000, kadib markii loo aqoonsadey inuu door Shariif ah ka soo qaatey dhismihii dowlad-goboleedka Puntland iyo weliba tallooyinka uu ka dhiibto socodsiinta hawlaha PL”
Islaan Maxamed Islaan Muuse wuxuu leeyahay taariikh intaas ka badan kana xeel-dheer, waxaana ilaa maanta la dareemayaa dowrkiisii dhaqan iyo hogaamin, waxaana qabaa in taariikhdu si mug leh u xusi doonto.
Cali Xaaji Warsame. wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ayaa qoraalkan nasoo gaarsiiyay.
Faafinta Puntlandpost.com