Kampala(Puntland Post)-Magaaladda Kampala ee Caasimada Dalka Uganda xalay waxaa ka qabsoomay doodii ugu horaysay abid ee loo qabto murashixiinta u ordaaya kursiga looga arimiyo Dalkaasi, Doodan oo u dhaxaysay 7 kamid murasihixiinta Maddaxtinimada Dalka Uganda oo lagu wado inay dhacdo sideed iyo tobanka Bisha fooda ina kusoo haysa ee Febraayo ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Dalka Yuweri Museveni.
Xisbiga NRM ee uu hogaamiyo Madaxweyne Museveni ayaa qaadacay ka qayb galka doodan, Halka ay soo xaadireen Todobba Murashax oo loolan adag la geli doona Madaxweyne Museveni iyo xisbigiisa NRM oo sodonkii sano ee ugu danbaysay Dalkaasi ka talinaayey.
Doodan waxaa si aada uga dhex muuqday labadda nin ee loolanka ugu adag lafilaayo inay la galaan Madaxweyne Museveni waa Kizza Besigye oo ah hogaamiyaha Xisbiga Isbadelka Dimuqriyadeed(FDC) iyo Raisul Wasaarihii Hore ee Dalka Mr Amama Mbabzi, Iyagoo intii ay doodu socotay si aada ugu taagtaag saday Hogaamiye Museveni.
Marka laga reebo Dooda Murashaxiintan oo kasinayd sida loogu baahan yahay inuu meesha baneeyo Madaxweynaha xukunka dheer ee ka arimiya Dalkaasi, Waxay si siman u balan qaadeen inay hirgelin donaan Dumuqraadiyad dhaba, Horumarin doonaan dhaqaalaha, waxbarashada, Caafimaadka iyo Nabad galyada Dalka.
Madaxweyne Museveni oo kasoo jeeda Galbeedka Dalka Uganda ayaa Xunkunka Dalkaas Jamhadayn kula wareegey 1986 isagoo tan iyo xiligaa ahaa Madaxweynaha Wadanka walow uu qaban jirey Doorasho xalaalnimadeeda shaki la geliyo Hase ahaate Doorashada Bisha danbe ka dhici doonta Dalka ayaa lagu tilmaamay tii ugu adkayd ee ka dhacda wadankaas abid, Wadamada reer Galbeedka oo uu ugu horeeyo Dalka Maraykanku ayaa Museveni cadaadis adag ku saaraya inay wadanka ka dhacdo Doorasho Dumuqraadiyad dhaba ku salaysan.
30ka sano ee uu Hogaanka hayey Museveni wadanku ma samayn horumar la taaban karo marka laga reebo inuu yahay wadamada ugu xasiloon Qaaradda Africa, Isagoo cagta mariyey Jamhadii ka dagaalami jirtey Waqooyiga Dalkaasi ee LRA taas oo uu Hogaami jirey Ninka baxsadka ah Joseph Kony.
Uganda waxaa ku nool kumaanaan qof oo Soomaali ah oo iskugu jira Ganacsato, Qaxooti iyo Arday wax ka barta Jaamacadaha kala duwan ee Dalkaasi, waxaana la sheegaa inay Soomaalidu ku haysato ixtiraam aad u sareeya. Sidoo kale Uganda waa Dalkii ugu horeeyey ee Ciidamada hoostaga Midowga Africa usoo diray Dalka Soomaaliya.
Hoos ka Daawo sida ay Doodu u dhacday
Puntlandpost.com