Waligaa ma u kuurgashay nolasha bulshada oo malayaabtay sida ay farxadu ugu yartahay noloshooda, sidoo kale ma isweydiisay sida ugu fudud oo ay naftaadu ku dareemi karto farxada ay u baahantahay. Waxaynu ognahay in laga dhaxlay nolashaan casriga ah walwal iyo murugo is barkan, sidoo kale waxaynu ku suganahay nolal ay ku yartahay dhoola cadaynta iyo qalbi furnaanta.
Dhinacyo baddan markii nolosheena laga fiiriyo waxaa la’arkaa wajiyo badan oo nagu gadaaman ku waas oo u muuqda ineey yihiin macbuus aan qalbi xaarnayn, ama dano adduun la fajacsan. Sidaa darteed si aan uga raysanno oo uga istireexno, farxad la’aantaas iyo murugadaas is barkan waa inaan ku dadaalnaa sadexdaan arrimood ee hoos ku qoran:
1. ku kalsoonoow naftaada;
in aad ku kalsoonaatid naftaada waxay kuu horseedi kartaa horumar in aad nolosha ka sameyso, hadaad hormartana farxadu weey iska imaan.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad aqbashid ciladaha ama xaaladaha adag amase qalafsan ee ku lamaan naftaada, sidoo kale waa in aad si dhab ah u barataa waxyaabaha ay naftaadu ku fiicantahay amase aad aaminsantahay in aad dad badan ku dhaami lahayd.
Farxadu ma ahan wax dibada uga imaanaya naftaada , wadada loo maro farxada ayaa ah in aad naftaada si wanaagsan u batatid , markaad aqoon dhab ah u yeelatid waxaad heleysaa kalsooni buuxda taas oo kuu sahlaysa ama kuu suuro galinaysa in aad si fudud ku gaartid u jeedooyinka aad noloshaada ka leedahay haduu Alle idmo.
2. Wax ka baddal habka aad u nooshahay;
Dhamaan dadka ku faraxsan noloshooda ayaa ah dad mar walba isku daya ineey curiyaan wax cusub. Waa inuu qof ku isku dayaa in uu hormariyo xaaladda uu markaas ku suganyahay, asagoo baadi goobaya fikrado wax ku biirin kara hab nololeedkiisa. Sidaa owgeed waa in aad ogaataa wax yaabaha kuu diidaya in aad dareentid farxada. Tusaale ahaan haddii shaqadaadu tahay
Mid aadan ku qanacsanayn, waa inaad isku daydaa sidaa ku baddali lahayd oo aad ku raadsan lahayd mid aad ku qanacsantahay oo naftaadu jeceshahay.
Caqabadda ugu daran ee dadka farxada u diida ayaa ah, in ay ku siisug -naadaan xaalad sabab u ah noloshooda ku salaysan murugada. Waxaad arkaysaa qof ka cabanaya marxalada uu ku suganyahay oo hadana aan isku dayaynin in uu waxka badalo xaalada uu kusuganyahay waqtigaas.
3- Isku day in aad qaadatid go’aanada Adag;
Runtii go’aan qaadashada ayaa ah karti dad aan badnayn ay awoodaan , sidoo kale in la isbiimeeyo oo la isku dayo in la qaato go’aano halis ah ama adag, ayaa ah kuwo naftaada u keeni kara farxad. Tusaale ahaan hadii aad jeclayd in aad waligaa bilowdid ganacsi, waa inaad qaadataa go’aan kii kuu sahli lahaa, inaad bilowdid hawshaas aad ku fakartay oo aad rabtay in aad bilowdid. Waa inaad ficil iyo hal adayg ku dartaa dhamaan wax yaabaha aad ku fakaraysid.
Lama qiyaas karo farxada ay naftaadu dareemayso, markaad aragtid natiijada ka soo baxday ficilkaas aad samaysay. Tijaabinta fikradaha iyo go’aanada halista ah ayaa ah mid si dhibyar kuugu damaanad qaadaysa in aad dareentid farxad dhamaystiran,waa in aad ku dadaashaa farxada naftaada.
Ogowna qofna dan kama leh in aad dareentid farxad, waxaaba laga yaabaa in dad ka qaar ayba kashaqeynayaa in aad murugootid, marka cidna haka sugin in ay kaa farxiso ee adigu ka farxi naftaada, sidoo kale quur adna inaad samaysid farxadda, qof ka farxi adna waad farxaysaa.
Md. C/fitaax Daahir “guruu”
E-mail: abdifitahguruu@gmail.com