Madaxweyne Gaas oo u kusii jeeda Gobalada Bari iyo Karkaar

Garowe(Puntland post)Wafti Balaaran uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali ayaa kusii jeeda Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, Waxaana udiyaar garow aad u weyn laga dareemayaa Guud ahaan Magaaladaasi.

Madaxweyne C/weli ayaa lagu wadaa inuu Qardho ugasii gudbo Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari si uu xariga uga jaro Gagida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Bosaaso.

Dr Gaas waxaa ku weheliya Safarkan xubno katirsan Golayaasha Dawladda iyo Wafti ay hogaaminaayeen Raisul wasaarayaal hore oo dhawaan ka yimi Magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan munaasabadda xariga lagaga jaraayo Garoonka Diyaaradaha Bosaaso.

Puntlandpost.com