Garowe(pp) Waxaan aad uga naxay nolasha aadka u hoosaysa ee ay ku jirta Gabadhaasi yarta ah oo la yiraahdo Naciimo Cabdi Aadan, waa labo jir qoyskoodu ka kooban yahay todobo ruux, uma baahna faah faahin badan sababtoo ah muuqaalka sawirkeeda ayay wax walba ku dhan yihiin.
Naciimo iyo carruurta kale ee ku nool kaamamka barakacayaasha magalada Garowe ma ahan kuwa hela addeeg-yada aasasiga ah ee nolasha, mana ahan mid lagu sii daawan karo xaalada ay ku sugan tahay.
Naciimo Cabdi Aadan iyo asaageeda soo koraya waxay xaq u lee yihiin inay helaan daryeel nolashooda badala, caafimaad,waxbarasho, cunto iyo biyo nadiif ah, waxay xaq ugu lee dahay mamulka magalada Garowe inay arrimahaasi oo dhan ka helaan, maadama ay tahay Gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Puntland.
Sawirkan waxaan ka qaaday xilli aan booqday walaasheed ka weyn oo la yiraado Sowda Cabdi Aadan(6-jir), taasoo u haleelay xanuun aan la aqoon hayayna mudo afar sano ah.
Xilligaasi waxay dhinac kaga jiiftey buushka ay ka degan yihiin kaamka, waxaana laga yaabaa inaysan waxba cunin saacadihii lasoo dhaafay, dareenka uu xambaarsan yahay muuqaalkeeda ayaa ah mid ka turjumaya dhammaan xaalada qoysaska ku nool kaamka Ajuuraan oo Garowe kaga yaala dhinaca bari.
Aabaheed waa Cabdi Aadan Mursal, isaga iyo xaaskiisa Suuban Cabdi Isaaq waxay la daalaa dhacayaan siday wax ugu qaban la haayeen Gabadhooda Sowda oo afar sano xanuun san, Gabadhaasi xanuunsan ma helin daryeel caafimaad, ma helin masuul caawiya oo xaaladeeda wax ka qabta, haddii lagu sii fiirsado xanuunka haya waxay qarka u saaran tahay inay u dhimato.
Waxan ka codsanayaa mamulka magalada Garowe oo dhammaan ay hoos yimaadaan xarumaha barakacayaasha caasumadda inay wax ka qabtaan xaalada qoysaska danyarta ah gaar ahaan qoyska Cabdi Aadan Mursal oo aad u liidata.
Xaalada Gabadhooda Sowda Cabdi Aadan waxay sheegtey wasaradda Caafimaadka Puntland inaan waxba dalka looga qaban karin balse deg deg loogu baahan yahay in dibada loogu qaado, mana awoodaan dhaqaalaha ay dibadda ula kacayaan.
Sadar muuqda su’aal ka dhan.
Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com
You must be logged in to post a comment.