Maqaal: Agaasimow hadii aadan aqoon Tiknolojiyadda weydii?

W/Q: Siyaad Cali Yuusuf

Waxaa caan ah in caalamka oo dhan laysku raacay in qolyaha siyaasadda iyo hawlaha dawliga ku jira aysan aqoon baahsan u lahayn cilmiga tiknolajiyadda sida internetka, database-yada, sistemyada kale ee hawlaha dawliga lagu socodsiiyo iwm. 

Siyaasiyiinta wadammada reer galbeedka oo ah wadammada ugu horumarsan xaga adeegsiga sistemyada aan kor ku xusnay ee hawlaha dawliga lagu socodsiiyo iyo guud ahaan arimaha khuseeya bulshada ayaa ah kuwo in badan aad maqlaysid iyada oo lagu tilmaamayo inay jaahil ka yihiin fahanka tiknolajiyadda iyo noocyadeeda kala duwan.

Tiknoolaji marka aan leeyahay, akhristow waxaan uga jeedaa oo keliya kuwa khuseeya arimaha hawl fududeynta iyo maamul wanaagga ee dawladuhu isticmaalaan heer kasta ha ahaatee. Tiknoolaji guud ahaan waa maado baahsan oo ay soo dhex galayaan qaybo badan sida samaynta iyo isticmaalka hubka casriga, warshadeynta kala duwan, baabuur samaynta, wax soo saarka beeraha, cirka iyo hawada maareyntooda iwm. Marka tiknoolajiyadda aan ka hadlayo waa tan ku kooban u adeegidda bulshada iyo dadweynaha iyo ilaalinta hantida ummudda ee kumbuyuutarada iyo borogaraamada hawlaha fududeeya iwm.

Aniga oo ka duulaya sida khubarada cilmiga kumbuyuutarka ee casrigan, ay sheegaan marar badan, habacsanaanta madaxda iyo siyaasiyiinta ee dhinaca fahanka noocyada kala duwan ee tiknolajiyadda cusub iyaga oo ku salaynaya cilmibaaristooda in mararka qaarkood ay dhacdo in qofka siyaasiga ee mas’uulka ka ah arimo badan, hadii la weydiiyo erayo tiknolajiyadeed uu fahmi waayo ama uu sharixi waayo sida uu u shaqeeyo sistem muhiim ah oo la hirgliyey ama dawladdu ku shaqeysato amase in wax laga weydiiyo si guud meesha ay marayaan horumarka laga gaaray dhinaca tiknolajiyadda cusub ee caalamka iyo gaar ahaan wadankiisa.

Iyada oo ay sidaas tahay, oo marar badan ay dhacdo in madaxda kala duwan ku fashilmaan inay sharaxaad ka bixiyaan arimo tiknolajiyadeed ayaa hadana inta badan madaxda wadammada aduunka ee horumarsan waxay adeegsadaan dad khuburo ku ah dhinacyada tiknoolajiyadda oo markaa ka siiya talooyin ku haboon sida arimaha loo wajahayo ama wax loo hirgelinayo.

Hadaba madaxda kala duwan ee dalka Soomaaliya heer maamul goboleed iyo heer federaalba intee in leeg ayey garaad iyo ogaal u leeyihiin tiknolajiyadda cusub iyo siyaabaha looga faa’iideysto gaar ahaan dhinaca horumarinta arimaha adeegga bulshada iyo maamul wanaagga?.

Isweydii akhristow, ma garanaysa mase aragtay sistem hawlo dawli/dadweyne qabta oo dadweynuhu wax ka ogyihiin oo dawladdaha ku midaysan maamulka federaalka ay hirgeliyeen ama ma aragtay siyaasi sharaxaya sistem hawlo muhiim ah dadweynaha u qabanaya oo la soo bandhigay isla markaasna lawada arki karo?

Anigu waxaan ku eegayaa qoraalkayga maamulka Puntland oo 21 sano jirsaday iyo heerka fahanka dadka loo igmaday maamulka iyo arimaha dawliga ee deegaanada Puntland.

Waxaan u soo joogey marar badan iyada oo laga hadlayo  arimo horumarin, hawl fududeyn, hirgelin habab cusub oo loo shaqeeyo iwm. Waxaana inta badan hawlahaas dabada ka wada hay’ado caalami ah oo dhinaca dhaqaalaha ka taageera dawladda Puntland. Balse markasta waxaa dhacda in aan marna la hirgelin sistemyada loo baahan yahay ee hawlaha shaqada lagu fududeeyo ama lagu hormariyo sida isticmaalka database-yada iyo borogaraamada la halmaala si onlne ah amaba si kaleba.

Cidda laga rabo inay meel mariso hawlaha adeegsiga tiknolajiyadda ee hawl fududeynta iyo wanaajinta isla xisaabtanka waa maamulka wasaaradaha kala duwan ee dawladda Puntland uuna ugu sareeyo agaasimaha qofka ka ah wasaaradda rag ama dumar kuu doono ha ahaadee.

Waxaase dhacda in maamulka wasaaradda ee heer agaasin ay hawluhu ka socon waayaan taas oo inta badan loo aanayn karo aqoon daro jirta iyo iyada oo agaasimuhu iyo inta ku xeeran aysan doonayn daah furnaan iyo in lala xisaabtamo ama ay soo baxaan hawlaha hoose ee gacan bidixeynta hantida dadweynaha ee loo igmaday inay ilaaliyaan.

Waxaa kaloo dhacda in dad aan ehel u ahayn hawlaha samaynta iyo hirgelinta sistemyada cusub loo dhiibo ama lagu wareejiyo taas oo markaa keenta in hantidii loogu talo galay sistemka la dhunsado amaba meel dhexe hawluhu ku istaagaan oo qolyihii maalgelinayey ay joojiyaan barnaamijkii kana caajisaan.

Mararka qaar waxaa dhacda in sistemkii dad ehel u ah loo dhiibo oo ay sameeyaan soona bandhigaan balse uu sistemkii ka hirgeli waayo shaqaalihii loogu talo galay inay ku shaqeeyaan iyada oo taasna sidoo kale loo aanaynayo diidmo iyo hor istaag isla xisaabtan dhab ah inuu meesha yimaado aan la doonayn.

Waxaa jira sistemyo/barnaamijyo hirgalay deegaanada Puntland oo qaarkood ay shirkaddo khaas loo leeyahay hirgeliyeen kuwaas oo dawladdu ku shaqeysato sida kuwa lagu ilaaliyo/keydiyo canshuuraha wadooyinka ee baabuurta, kuwa lagu keydiyo kaararka aqoonsiga, kan lagu diiwaan geliyo ganacsiga iwm.

In kastoo sistemyadan ay hirgaleen hadana weli sidii la rabay uma shaqeeyaan, macluumaadka faraha badan ee ay hayaanna maaha mid lala wadaago laamaha ay khuseyso ee amniga iyo dawladda inta aan ka ogahay mana jiro hab muraaqabayn  ee shirkadahaas khaaska loo leeyahay lagu sameeyo. Waxaa kaloo jira in shirkadahan lacag badan sistemyadaas ku qaataan.

Waxaa kaloo jira sistemka maaliyadda Puntland ee loo yaqaan IFMS (Integrated Financial Management System) kaas oo ay maal gelisay bangiga aduunka (World Bank) soona bilowday wakhtigii dawladdi madaxweyne Cabdiweli Maxamed. Waxaase muuqata in sistemkaas ay dawladda hada jirta ee Puntland ee madaxweyne Siciid C. Deni ay dardar gelisay isticmaalkiisa iyo baahintiisa uuna gaarsiisan yahay ilaa heer wasaaradeed iyo heer dawladaha hoose gaar ahaan Garoowe iyo Boosaaso.

Waxaa sistemkan IFMS uu qayb ka yahay habka isla xisaabtanka iyo la socodka hantida maaliyadeed ee dawladda Puntland. Sistemkaan sidoo kale wuxuu ka hirgalay dawladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland inta aan ogahay.

Waxaan xusayaa in dhowaan maamulka magaalada caasimada Puntland ee Garoowe ay ku dhawaaqeen inay hirgeliyeen hab cusub oo canshuuraha lagu qaadayo kaas oo ku salaysan sistem dadku canshuuraha si toos ah ay mobilekooda uga bixiyaan, meeshana ka saaraya dakhli badan oo meel dhexe ku dhumi jiray. Taas waxaan ku amaanaya duqa caasimada Puntland ee Garoowe Axmed Bare oo hawshaan fulinteeda xilweyn iska saaray.

Hadaba dhawr qodob ayaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan oo ah sidatan.

Sababaha keenaya in sistemyada loo baahan yahay aan la hirgelin deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya marka laga tago aqoon yarida jirta ee cilmiga tiknoolajiyadda ee dadka siyaasadda maamulaya ee wasaaradaha gaar ahaan heer agaasin, waxaa  kaloo jira:

  • Diidmo isbedel iyo sidaa ku caana maali jiray yaan layga taaban (resistance to change )
  • Shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha oo aan khibrad iyo aqoon u lahayn adeegsiga sistemyada lagu shaqeysto ama waxa loo yaqaan Information Management Systems (IMS) (lack of Tech culture & know-how)
  • Shaqaalaha oo aan tababarada ay u baahan yihiin la siin ee xaga tiknolajiyadda (lack of adequate tech training provided )
  • Isla xisaabtan la’aan iyo dadka wasaaradaha jooga oo u badan adeerow i gey (Lack of accountability and transparent). Nin walba adeerkiis buu soo kaxaysan hadii lala hadlo..
  • Ma jiro dakhli gaar ah oo loo qoondeeyey dhinaca adeegsiga tiknolajiyadda deegaanada Puntland (Lack of budgetary allocation for tech)
  • Marar badan waxaa dhacda in sistem aan suurto gal ahayn la doono in la sameeyo iyada oo aysan jir raad raac lagu saleeyo sistemka hore ee laga guurayo iwm.

Siyaabaha lagu hakin karo arimaha kor ku xusan waxaa ka mid ah in inta aan sheegayba dhinaca kale loo gediyo oo la saxo.

Waxaa kaloo la yeeli karaa sidatan:

  • Shaqaalaha kala duwan ee dawladda lagu khasbo inay isbedelka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda ogolaadaan lagulana xisaabtamo hadey fulin waayaan ama hor istaagaan fulinta adeegsiga cusub ee tiknoolajiyadda
  • In tababarada shaqaalaha  dawladda ee dhinaca tiknolajiyadda kor loo qaado lana joogteeyo
  • In dakhli balaaran loo qoondeeyo arimaha tiknoolajiyadda lagana waan toobo ku tiirsanaanta hay’adaha caalamiga ah iyo gacan kale
  • In madaxda wasaaradaha lagula xisaabtamo hadba heerka adeeg ay ku bixiyaan isticmaalka tiknoolajiyadda iyo sida ay ugu fududeeyaan dadweynaha gudbinta adeegyada kala duwan
  • In dadka ehelka u ah lagala tashado hirgelinta arimaha tiknolajiyadda lagana dhowro qaraabaysi.
  • In maalka loogu talo galay dhisidda iyo samaynta sistemyada sidii loogu talagalay loo fuliyo oo aan waxna lagala harin.

Waxaan intaan ku dari karaa, in laga gudbo habka loox jiidka lagana faa’iideysto fursadaha ku saabsan hirgelinta tiknolajiyadda cusub ee dhinaca maamulka iyo maareynta ee dawliga.

Waxaan kaloo oran lahaa madaxda sare ee dawladda Puntland iyo kuwa kaleba in ay fahmaan muhiimmadda ay leedahay hirgelinta hababka cusub ee loo shaqeeyo kana yeeshaan siyaasad cusub oo ku wajahan hirgelinta iyo meel marinta barnaamijyo tiknoolajiyadeed oo wax ku ool ah.

Waxaa hada ka socda Puntland diyaarinta qorshaha shanta sano ee soo socota ee maamulka Puntland, waxaan leeyahay tiknoolajiyaddu waa inay ku yeelataa qorshahaas door muhiim ah ayna ka muuqataa hiigsiyada ugu muhiimsan ee maamulku hiigsanayo.

Ugu danbeyn ragga iyo gabdhaha agaasinka wasaaradaha gacanta ku haya ee Puntland gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaan leeyahay iska joojiya hor istaaga iyo meel marin la’aanta hanaanka cusub ee tiknoolajiyadda, aqoonta loo baahan yahayna u yeesha arimaha.

Siyaad Cali Yuusuf

Garoowe, Puntland, Soomaaliya.