Faah Faahin Masuuliyiintii Canshuuraha Dekada Muqdisho oo La Xeray

Masuuliyiin katirsan Kastamka Canshuuraha Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay ku dhowaad 6 Nin oo kamid ah masuuliyada Dekada Muqdisho.

Masuuliyiinta la xeray waxaa ku jira Axmed C/llaahi Samow oo ah Gudoomiyaha Kastamka Canshuuraha Dekada Muqdisho iyo ku xigeenkiisii.

Axmed Soomoow oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in lugihiisa uu ku tagay Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Soomoow ayaa qiray in lagu heeysto Canshuuro la isdaba mariyay oo si qaldana loo isticmaalay.

Baaritaano ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la marsiiyo islamarkaasina wax laga weeydiiyo eedeeyamaha musuq maasuq ee loo soo xeray.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado dadaalo ay kaga hortageeyso Musuq maasuqa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho