Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, oo kal horena ku guuleeystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa geeriyooday.
Anan ayaa ku ku geeriyooday da’da 80-aad xili maanta oo sabti ah xoogaa xanuun ah uu dareemay kadibna uu geeriyooday.
Kofi Annan ayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee Madow ah oo gaara heerka ugu sareeya ee siyaasi laga soo bilaabo 1997 ilaa 2006.
Kofi Annan ayaa Qaramada Midoobay sidoo kale uga soo shaqeeyay meelo badan oo ah kamid tahay Syria isaga oo ka shaqeeynayay xalinta xaalada Siiriya, wuxuuna ka tagay xaaskiisa Nane, iyo 3 caruur ah oo uu dhalay.
Qaramada Midoobaya ayaa muujisay sida ay uga murugootay dhimashada Kofi Annan iyaga oo sheegay in uu ahaa hogaamiye wax badan soo qabtay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post