Axmed Madoobe oo ka hadlay Taliyeyaal Federaalka ah oo lagu xiray Kismaayo

Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa ka hadlay Taliyeyaashii NISA ee Dowladda Soomaaliya u soo magacowday deegaanada Jubbaland ee lagu xiray Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto amni darada dalka ka jirta, isagoo intaas ku daray in Taliyeyaasha aan lagala tashan Jubbaland taasina ay ka hor-imaanayso heshiiskii ay horay u wada gaareen Dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu aad u dhaliilay hanaanka shaqo ee Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in aysan xiriir laheyn maamul goboleedyadda dalka ka jira.

Jubbaland ayaa shalay gelinkii dambe garoonka diyaaradah Kismaayo ku xirtay Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo kala ah Taliye iyo kuxigeen Dowladda Soomaaliya u soo magacowday hay’adda NISA qeybteeda Jubbaland, waxayna maanta dib ugu celisay Muqdisho.

Waa markii labaad oo Saraakiil Dowladda Soomaaliya u soo magacowdo deegaanada Jubbaland laga diido, waxaana sidaan oo kale 13-kii July ee sanadkan garoonka Kismaayo laga celiyay diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda Soomaaliya u soo magacowday qeybta 43-aad ee Ciidanka xooga dalka.

Wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid sii xumaanaya.

PUNTLAND POST