Itoobiya:- Guddoomiye cusub oo loo doortay Xisbiga Soomaalida

Axmed Shide

Wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya.

Axmed Shide waxaa Guddoomiyaha u doortay Golaha dhexe ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya (XDSHSI) oo maalmihii ugu dambeeyay shir uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Xilka Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxaa horey u hayay Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa loo qorsheynayaa in uu noqdo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya doorashada soo socota oo ay ka dhiman tahay labo sano.

Xilka Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa hadda sii haya Axmed Cabdi Maxamed (Ilka-case) oo horey u ahaa Wasiirkii maaliyadda maamulkaas.

Axmed Shide Guddoomiyaha cusub ee xisbiga Dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya waxa uu ka soo jeedaa beesha Akishe ee Soomaalida

Magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale ee dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ah oo qalalaase ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey ayaa haatan xasiloon. 

Ammaanka magaalooyinka dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa gacanta ku haya ciidamada Milateriga iyo Booliska Federaalka.

PUNTLAND POST